Maxkamada doorashooyinka Brazil oo laashay dacwad ka dhan ah madaxweyne Temer

0
Saturday June 10, 2017 - 10:25:27 in by Burco Office
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada doorashooyinka Brazil oo laashay dacwad ka dhan ah madaxweyne Temer

    Maxkamada doorashooyinka Brazil oo laashay dacwad ka dhan ah madaxweyne Temer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada doorashooyinka Brazil oo laashay dacwad ka dhan ah madaxweyne Temer

Todobo garsoore oo ka tirsan maxkamada qaabilsan doorashooyinka wadanka Brazil ayaa meesha ka saaray dacwad ka dhan ah madaxweynaha dalkaasi Michel Temer, oo ku saabsaneyd in madaxweyne Temer uu ku kacay musuqmaasuq sannadkii 2014-ka.

Afar kamid ah garsoorayaasha ayaa u codeeyay in madaxweyne Temer oo xiligaasi ku-xigeen u ahaa madaxweynihii xilka laga qaaday ee Dilma Rousseff aanu wax dembi ah gelin.

Hadii madaxweyne Temer lagu heli lahaa falkaasi, waxay taasi ka dhignaan laheyd in xilka laga qaado madaxweynaha haatan talada haye, si aqalka Congress-ka ee dalkaasi ay u soo magacabaan madaxweyne kumeelgaar ah.

Waxaa in muddo ah dalkaasi ka tagnaa dooda ku saabsan dacwada ka dhanka ah mas'uulka ugu sareeya dalka Brazil.

Kiiska Mr Temer ayaa xoogeystay kadib markii garsoorayaashu ay markii hore xukmiyeen in dhinac la iska dhigo cadeyma muujinayay in malaayiin doolaar oo lacaga ah loo adeegsaday ololihii doorashada ee sannadkii 2014-ka.

Maxkamada doorashooyinka dalka BrazilLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionMaxkamada doorashooyinka dalka Brazil