Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Nabad Sugida Oo La Dilay Iyo Xarakada Al-shabaab Oo Shegatay.

0
Tuesday July 15, 2014 - 00:15:10 in by salman abdi
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Nabad Sugida Oo La Dilay Iyo Xarakada Al-shabaab Oo Shegatay.

    Weerarkaasi waxaa ku dhintay sida la sheegay Sargaal sare oo katirsanaa Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Axmed Faarax iyo askari ilaalo u ahaa oo lasocday xiliga la weerarayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarkaasi waxaa ku dhintay sida la sheegay Sargaal sare oo katirsanaa Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Axmed Faarax iyo askari ilaalo u ahaa oo lasocday xiliga la weerarayay.

Waxaa Maanta Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ka dhacay Weerar lagu dilay Sargaal katirsanaa Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya kadib markii kooxo hubeesan oo gaari watay ay rasaas huwiyeen.


 

Weerarkaasi waxaa ku dhintay sida la sheegay Sargaal sare oo katirsanaa Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Axmed Faarax iyo askari ilaalo u ahaa oo lasocday xiliga la weerarayay.

Goob joogayaal kusugnaa halka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in Kooxo Hubeesan oo gaari watay ay ku horgooyeen gaariga uu saarnaa Sargaalka Nabad Sugida kadibna ay huwiyeen Rasaas Culus oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Sargaal katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Warbaahinta u sheegay in Ninka ay dileen uu ahaa Taliye kuxigeenkii Ciidamada Argagaxiso la dirirka , waxa uuna tilmaamay in Weerarkaasi uu aha amid qorsheesan oo lagu dilay Sargaalkaasi iyo ilaalo lasocotay.

Warbaahinta qaar ayaa saakay tabisay in Weerarka Sargaalkan katirsanaa Ciidamada Nabad Sugida lagu dilay lagu qaaday gaari ay saarnaayeen Wariyaal hasa ahatee warkaas ayaa markii dambe noqday mid beenooba oon waxba ka jirin.

Dhanka kale Kooxda Al-shabaab ee magaalada Muqdisho muddooyinkaan danbe dilalka iyo weerarrada ka dhacayey sheeganaysay inay ka danbeyan ayaa maanta war ka soo baxay waxaa ay ku sheegten dil magaalada Muqdisho ay ka fuliyen kooxo hubaysan.

Dilkan ayaa waxaa loo geystay sargal ka tirsan hay’adda nabad-sugidda qaranka,waxuuna ka dhacay Degmada Xamar Jajab, gaar ahaan meel ku dhaw halka lagu magacaabo UNICEF,waxaana ay Al-shabaab sheegen in dilka ay fuliyen dagaal-yahanno ka tirsan.

..”‘Dilka waxaa fuliyey ciidamadeena noo qaabilsan ugaarsiga saraakisha dowlada,..””ayaa lugu sheegay warka Al-shabaab ka soo baaxay.

War kasoo baxay Al-shabaab oo lagu baahiyay baraha Internetka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in sarkaalkaasi uu la shaqeynaye ciidamada Nabadsugida Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa wuxuu la socday gaadhi noociisa uu yahay NOHA, ragga hubaysana waxa ay wateen gaadhi Suzuki ah sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka goobta weerarka uu ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa maalmihii dambe kordhisay Weerarada Qorsheesan ay ku dilayaan Masuuliyiinta iyo Ciidamada katirsan Dowlada Soomaaliya, mana muuqato ilaa hada tilaabooyin amaanka Caasimada lagu xaqiijinayo loogana hortagayo Dilalka qorsheesan ay Dowlada Soomaaliya qaaday. 



Salmaan Nadaara

Muqdisho/Office 

Contact@afkashacabka.com