Ciidamada Dowladda Somalia Oo Baadigoob Ugu Jiraa Libaax Dadqaad ah Ku Dhex Fakaday Muqdisho Iyo Dareen Aragagax Leh Oo La Soo Darsay Shacabka Ku Dhaqan Muqdisho

0
Tuesday July 15, 2014 - 00:44:13 in by salman abdi
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda Somalia Oo Baadigoob Ugu Jiraa Libaax Dadqaad ah Ku Dhex Fakaday Muqdisho Iyo Dareen Aragagax Leh Oo La Soo Darsay Shacabka Ku Dhaqan Muqdisho

    Sida ay goor dhawayd shaaciyeen laamaha amaanka ee Dowlada ayaa sheegaya in xarunta safaarada Emirate carabta ee agagaarka madaxtooyada oo kasoo fakaday Lbaax aad u weyn oo maalmahan halkaasi ku hayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay goor dhawayd shaaciyeen laamaha amaanka ee Dowlada ayaa sheegaya in xarunta safaarada Emirate carabta ee agagaarka madaxtooyada oo kasoo fakaday Lbaax aad u weyn oo maalmahan halkaasi ku hayeen.

Warkaan ayaa ah mid digniin loo diray dadka kudhaqan muqdisho gara ahaan Degmooyinka Boodheere iyo Wardhiigley waxaana lasheegay in libaxaan oo wax yeeleyn karo dadka lagana donaayo in ay kusoo war geliyaan laamaha amaanka ayna fasax uyihiin in ay toogtaan

Fakadka oo soo fakaday Libaaxaan aya safaarada kuwar gelisay laamaha amaanka waxaana ay sheegtay in ay cabsi qabtay in oo waxyeelo gaarsiyo shacabka sooman waxaana ufasaxday ciidamada in ay dili karaan waaba hadii isku dayo in oo fariimaha nabada diido.
Sidoo kale, Saraakiisha Safaaada Emirate-ka Carabta, waxa ay ku wargalineysaa Ciidamada Dowlada inay dili karaan Libaaxaasi waa haddii ay arkaan si uusan u garaafey Shacabka, waxa ayna sheegen in Libaaxaasi ay dhawaan ka iibsadeen dad Somaliyeed, waxayna maalmahaan dambe ku hayeen shabaq ay ugu dhex sameeyeen gudaha Safaarada.

Waxaa aad looga cabsi qabaa in Libaaxaasi uu waxyeelo gaarsiiyo dadka shacabka ah gaar ahaan kuwa ku dhex nool buushashka oo aan laheyn Ammaan islamarkaana ay suuragal u tahay Libaaxa inuu buushashkaasi ka dhex dhigto gabaad.

Dhanka kale, Safaarada waxay baxsadka libaaxa ku wargelisay Dowladda Federalka ee Somaliya, waana taa midda keentay in Ciidamada Dowladda, ay dadaal badan ku bixiyaan, ka hortagga waxyeelo uu geysto libaaxaasi, inkastoo aynaan weli ku guuleysan soo qabashadiisa.



Salmaan Nadaara

Muqdisho/Office

Contact@afkashacabka.com