Gabadh Yar Oo Wiil Ay Jeclaatay Kula Heshiisay Inuu Qudha Ka Jaro Waalidkeed Iyo Walaasheed

0
Monday June 12, 2017 - 10:49:51 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Yar Oo Wiil Ay Jeclaatay Kula Heshiisay Inuu Qudha Ka Jaro Waalidkeed Iyo Walaasheed

    Gabadh Yar Oo Wiil Ay Jeclaatay Kula Heshiisay Inuu Qudha Ka Jaro Waalidkeed Iyo Walaasheed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadh Yar Oo Wiil Ay Jeclaatay Kula Heshiisay Inuu Qudha Ka Jaro Waalidkeed Iyo Walaasheed

Garsoorka Dalka Britain ayaa shaaca ka qaaday Dil aad u fool xun oo ka dhacay Dalkaasi oo ay fuliyeen gabadh iyo wiil isjecel oo ay Dadoodu tahay 15 jir, arrinta aadka u layaabka badan ee guud ahaan Dalkaasi Britain laga dareemay ayaa waxay tahay in gabadh yari ay wiilkaasi kula heshiisay inuu Qudha ka jaro hooyadeed iyo walaasheed, waxaanay u fududaysay sidii oo xilli habeennimo ah usoo gali lahaa gurigooda, waxaanay ku guuleysteen inay hawshaasi sidii ay ugu tala galeen u fuliyaan.

Intaasi kadib, ciidammada Ammaanka ee dalkaasi ayaa wiilkii iyo gabadhii falkaasi aadka u foosha xun ku kacay gacanta ku dhigay, waxaana labadoodiiba la hor geeyay Garsoorka dalkaasi, mid ka mid ah Garsoosrayaasha Dacwadaasi gacanta ku hayay oo la yidhaa Livson ayaa waxa uu yidhi "Marka la eego kiiskani iyada oo labada qof ee falkan ku kacay ay Da’doodu tahay 15 jir oo aanu kiiskooda shaaca ka qaaday isla markaana aanu saxaafada soo gaadhsiinay waxa uu u socdaa sidii loogu tala galay, isla markaana wax qalad ah oo aanu ku kacnay oo arrintaasi la xidhiidhaa ma jirto, hawshuna sidii loogu tala galay ee Qaanuunka waafaqsanayd ayey u socotaa”.Dhacdadan ayaa noqotay mid aad looga dareemay guud ahaan Dalkaasi Britain, waxaanay noqotay gabadhaasi yari Qofku ugu Da’da yaraa ee Dil qorshaysan ka fuliya Dalkaasi.