Wasiirkii Arimaha Debeda Ingiriiska Mr William Hague, Oo Iska Casilay Jagadii Wasiirnimo Ee Dalka UK Uu U Hayay.

0
Tuesday July 15, 2014 - 12:29:07 in by salman abdi
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Arimaha Debeda Ingiriiska Mr William Hague, Oo Iska Casilay Jagadii Wasiirnimo Ee Dalka UK Uu U Hayay.

    Wasiirka Arimaha debeda dalka UK Mr William Hague ayaa habeenkii isniinta ee xalay goor danbe ku dhawaaqay in uu iska casilay jagadii wasiirnimo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arimaha debeda dalka UK Mr William Hague ayaa habeenkii isniinta ee xalay goor danbe ku dhawaaqay in uu iska casilay jagadii wasiirnimo  ee uu dalka UK u hayay. Warbaahinta UK ayaa iscasilaada William Hague ku tilmaantay mid dhabaha u xaadhaysa in Ra’iisul wasaare David Cameron uu isbedel mug leh ku sameeyo gollihiihsa wasiirada.

Saadaasha ama aragtiyaha doorashooyinka baarlamaanka ee la filayo in la qabto ayaa xisbiga David Cameron waxay wax yar ka hooseeyaan qiyaasta tirada kuraasta ee la saadaaliyay in uu xisbiga Shaqaaluhu heli doono, arintaasi ayaana loo sababaynayaa in ay salka ku hayso iscasilaada wasiirka.

David Cameron ayaa la filayaa in uu gollihiisa wasiirada isbedel mug leh ku sameeyo, waxaana la saadaalinayaa in uu ku soo kordhin doono tiro u badan haween iyo dhalinyaro.
Si cad looma sheegin cida bedeli doonta wasiirka iscasiley, waxaase la filayaa in uu jagadaasi buuxin doono wasiirka haatan haya jagada wasaarada gaashaandhiga Mr Philip Hammond.

Afkashacabka
Contact@afkashacabka
Xigasho  BBC