Ciidamada Amaanka Oo Xidhay Wiilkii Tartanka Quraanka Kaga Qayb Galay UAE Ee La Soo Mastaafuriyey Iyo Safiir Baashe Oo Ka Hadlay

0
Friday June 16, 2017 - 17:37:43 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Amaanka Oo Xidhay Wiilkii Tartanka Quraanka Kaga Qayb Galay UAE Ee La Soo Mastaafuriyey Iyo Safiir Baashe Oo Ka Hadlay

    Hargeysa(AFKA):-Ciidamada amaanka somaliland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku qabtay Ismaaciil Cumar Madar oo ahaa wiil soomaaliya u matalayey tartanka quraanka kariimka ah ee sanad kasta lagu qabto Dubai.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA):-Ciidamada amaanka somaliland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku qabtay Ismaaciil Cumar Madar oo ahaa wiil soomaaliya u matalayey tartanka quraanka kariimka ah ee sanad kasta lagu qabto Dubai.

Wiilkan oo asal ahaan ka soo jeeda jamhuuriyada somaliland oo markii la mastaafuriyeyna ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa mar kale isku dayey inuu u baxo dalka Qatar oo uu ka helay martiqaad uu kaga qayb galoDawlada imaaraadka ayaa dhawaan soo mastaafurisay wiilkan, ka dib markii dawlada federaalka ah soomaaliya ay la safatay dalka Qatar oo ay xidhiidhka u jareen wadamo ku yaala khaliijka oo imaaraadku ka mid yahay.



tartanka quraanka kariimka ah, balse ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay isla markaana ku wada baadhis.

 

Sida uu xaqiijiyey safiirka somaliland ee dalka UAE Baashe Cawil, wiilkan ayaa lagu wadaa baadhis waxaanu yidhi "Ninkaa Ismaaciil Cumar, markuu Imaaraadka imanayey wasaarada Diinta & Awqaafta ma ogeyn, xafiiska Somaliland ee Imaaraadkana lamuu soo xidhiidhin, hawshiisa waxa watay qolyo reer koonfureed, Muqdisho ah.

Balse markuu soo gaadhay Dubai, waxuu u muuqday nin qorshahiisu ka weynaa ka qeybgalka tartanka Quraanka, maxaa yeelay waxuu baraha bulshada ku baahinayey dacaayado ka dhan ah wadamada Carabta, markuu tartankii u gudbi waayey gebagebadii sidii qorshahu ahaa waa la soo celiyey inta abaalmarintii helay la siiyey.

Safiir Baashe Cawil ayaa intaas raaciyey "Markii qorshahii loo keenay Imaaraadku guuldaraystay, ka dibna isaga iyo qolyahii kale u bedeleen inay warar aan jirin ku faafiyaan warbaahinta, nasiib wanaag, ciidamada amaanka ayaa ku qabtay madaarka Cigaal isagoo u socdaalaya dalka Qatar.

Sidoo kale Safiir Baashe Cawil ayaa sharaxay sababta ciidanku u xidhaan "Ciidamada Amaanku xilligan baadhitaano la xidhiidha arrinkiisa ayey wadaan,markuu u dhamaadana, iyagaa faahfaahin ka bixin doona sababaha loo qabtay, xaqiiqada qorshahiisana bulshadu way ogaan doonaan.