Dab Khasaare Gaystay Oo Xalay Ka Kacay Suuq Kuyaala Magaalada Muqdisho

0
Tuesday July 15, 2014 - 12:41:53 in by salman abdi
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab Khasaare Gaystay Oo Xalay Ka Kacay Suuq Kuyaala Magaalada Muqdisho

    Guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir Axmed Cabdule Afrax oo qaybaha kala duwan ee warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dabku uu k dhashay koronto uuna geystay khasaare aad u fara badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir Axmed Cabdule Afrax oo qaybaha kala duwan ee warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dabku uu k dhashay koronto uuna geystay khasaare aad u fara badan.

Suuqa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka kacay dab geystay Khasaare dhaqaale.

Dabka ayaa la sheegayaa inuu ka bilowday xarumo dhar lagu iibiyo kadibna uu u gudbay dhismayaal ay saliid ku keyd saneyd.

Guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir Axmed Cabdule Afrax oo qaybaha kala duwan ee warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dabku uu k dhashay koronto uuna geystay khasaare aad u fara badan.

"Xalay saqdii dhexe ayuu dabku kacay, nasiib-wanaagna khasaarihiisu wuxuu ku ekaa mid hantiyeed oo ma geysan khasaare nafeed, waxaana ku guuleysatay inay dambiyaan dabkaas, dadweynaha iyo maamulka gobolka iyo kan degmada Wadajir oo iskaashanaya,” ayuu yiri Afrax.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in goobaha ganacsi ee gubtay ay isugu jiraan makiinadaha saliidda, dukaamo


lagu iibinayay raashinka kala duwan, kuwo lagu iibinayay midhaha dalka ka baxa iyo goobo kale oo ganacsi.

 

"Inkastoo aan hayn qiyaasta khasaaraha uu dabka geystay haddana wuxuu geystay khasaare hantiyeed oo baxaad leh, waxaana ganacsatadii hantida lahaa leeyahay Alle wax ka khayr badan ha idin kugu bedelo,” ayuu intaas ku daray guddoomiyaha degmada Wadajir.

Axmed Cabdulle Afrax oo sii hadlayay ayaa sheegay in dambinta dabka ay ka qaybqaateen maamulka gobolka Banaadir, ciidamada AMISOM, Turkiga iyo shirkadda Hormuud oo uu sheegay inay ku kala deeqeen gaadiidka dabka bakhtiiya iyo baallayaasha lagu xaaqo dabka si aanu goobo kale ugu fidin.

Mar uu ka hadlayay ammaanka ayuu sheegay inaysan jirin wx amni-darro ah oo dhacay intii ay socotay howsha dabka lagu daminayay.


Salmaan Nadaara
Afkashacabka.com
Contact@afkashacabka.com