Haweenay Ducayso Is Lahayd Oo duulimaad Diyaarad Baajisay.

0
Thursday June 29, 2017 - 12:51:05 in by Super Admin
  • Visits: 521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenay Ducayso Is Lahayd Oo duulimaad Diyaarad Baajisay.

    Haweenay da' ah oo safraysay ayaa dib u riday duulimaad diyaaradeed oo ka kici lahaa magaalada Shanghai ka dib markii ay matoorka diyaaradda si kama ah ugu tuurtay qadaadiic, sida ay xaqiijisay shirkad diyaaradeed oo Shiinaha laga leeyahay. Hawe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweenay da' ah oo safraysay ayaa dib u riday duulimaad diyaaradeed oo ka kici lahaa magaalada Shanghai ka dib markii ay matoorka diyaaradda si kama ah ugu tuurtay qadaadiic, sida ay xaqiijisay shirkad diyaaradeed oo Shiinaha laga leeyahay. Haweenaydan oo 80 jir ah ayaa tuurtay qadaadiic sarif ahaan loogu soo celiyay iyada oo sii galaysa diyaarad ay leedahay shirkadda China Southern Airlines. Booliiska ayay u sheegtay in ay tuurtay qadaadiicda iyadoo ku ducaysanaysa nabadgalyo" Salaasadii.



Sagaal xabo oo qadaadiic ah ayay tuurtay balse mid ka mid ah ayaa gashay matoorka, taas oo horseeday in la daad gureeyo rakaabka oo ay afar saacadood hakadaan.

_96703489_flight

Qof rakaabka ka mid ah oo arkay haweenayda qadaadiicda tuurtuuraysa ayaa laamaha ammaanka ee garoonka Shanghai Pudong International Airport ku wargaliyay, waxaa la sheegay in ay Alle bari ku qaaday arrintaas.

Saraakiisha ayaa markaa ka dib su’aalo waydiiyay haweenayda oo la safraysay ninkeeda, gabadh ay dhashay iyo wiil ay soddoh u tahay, wax dacwad ah laguma soo oogayo.