Daawo:Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Hadlay Jabhad Lagaga Dhawaaqay Deegaanka Uu Ka Soo Jeedo Bariga Gobolka Sanaag

0
Thursday June 29, 2017 - 13:09:16 in by Super Admin
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Hadlay Jabhad Lagaga Dhawaaqay Deegaanka Uu Ka Soo Jeedo Bariga Gobolka Sanaag

    Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa ka hadlay Jabhada lagaga dhawaaqay Deegaanka Laasqoray, waxaanu sheegay in aan raali laga ahayn cid nabadgalyada wax yeesha,nabadgalyada dalkana a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa ka hadlay Jabhada lagaga dhawaaqay Deegaanka Laasqoray, waxaanu sheegay in aan raali laga ahayn cid nabadgalyada wax yeesha,nabadgalyada dalkana ay Xukuumaddu masuul ka tahay.



Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya isagoo jooga Degmada Dhahar, ayaa sidoo kale ka waramay Shuban Biyood ka dilaacay Degmada Dhahar iyo dad u dhintay, waxaanu yidhi ugu horeyn ‘Anigu hadda waxaan ku sugan yahay oo aan jooga Dhahar, oo aan dadka aan kula ciiday, si fiicana waa looga ciiday, kolay Shuban Biyoodkii wuu soo gaadhay, oo dad ayaa Dhahar ugu geeriyooday Shuban Biyoodka, balse waa lala tacaalay, oo waa la xakameeyey, oo imikana xaaladu aad bay u fiican tahay”.

Wasiirka Kalluumaysiga mar aanu wax ka weydiinay wax uu kala socdo Jabhada lagaga dhawaaqay Deegaanka Laasqoray ayaa yidhi "Dalka waxa ka talisa Dawlad, iyadaana masuuliyada nabadgalyada iyo amaankaba dalka iyo dadkaba ILLAAHAY ka sakow ka masuul ah, markaas cid haba yaraate laga ogolaanayo inay nabadgalyada khal-khal galisaa ma jirto”

Dhinaca kale Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed),wuxuu guud ahaan Bulshada reer Somaliland ku booriyey inay khayraadka badda ka faa’iidaystaan, oo ay wax kala soo baxaan.

Dhawaan ayaa ahayd markii deegaanka Laasqoray ee gobolka Sanaag lagaga dhawaaqay jabhad cusub oo lagu magacaabay Gaadh-haye, waxaana la sheegay inay jabhadaasi deegaanka ka ilaalin doonto khatarta argagixisada iyo xarakada Al-shabaab oo ay sheegeen inuu damac kaga jiro buuralayda Sanaag.
Hogaamiyaha jabhadaas oo lagu magacaabo Jeneral Jaamac Maxamuud Indhayare ayaa waraysigii ugu horeeyey ee qorshaha jabhadiisa la xidhiidha waxa uu siiyey wariye Khadar Macallin Deeq oo ka ttirsan telefishanka Bulsho, waxaana uu si cad u sheegay inau u istaageen difaaca deegaanka, sidoo kalena waxa uu cadeeyey inaanay wax garab ah ka helin dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland toona.