"Danta Somaliland Ayaa Ku Jirta In Ay Doorashadu Dhacdo 13 November Ee Sanadkan " Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

0
Friday June 30, 2017 - 19:30:05 in by Burco Office
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Danta Somaliland Ayaa Ku Jirta In Ay Doorashadu Dhacdo 13 November Ee Sanadkan " Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

    "Danta Somaliland Ayaa Ku Jirta In Ay Doorashadu Dhacdo 13 November Ee Sanadkan " Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Danta Somaliland Ayaa Ku Jirta In Ay Doorashadu Dhacdo 13 November Ee Sanadkan " Wasiirka Warfaafinta Somaliland. Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaawaxaa uu ka hadley kulamo shalay dhex maray madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo safiirka dalka Mareykanka u fadhiya Somaliya

Image result for Wasiirka Warfaafinta SOmaliland


Wasiirka oo wareysi siiyey Idaacada BBC waxaa uu sheegay in Safiirka Hargeysa yimid ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka isa markaana ay u cadeyeen in labadii jeer ee hore doorashadu dib u dhacdey ay daruufo keenen balse iminka ay doorashadu dhici doonto wakhtigii loo qoondeeyey ee 13 November

Sidoo kale Wasiir Cadaani ayaa waxaa uu carabka ku dhuftey in doorashada oo xiligeeda dhacda ay ku jirto danta Somaliland waxaana uu yidhi

Safiirka Mareykanka Ee Hargeysa yimid waxaanu u cadeynay in labadii jeer ee ay doorashoyinku dib u dhaceen in ay keenen daruufo gaar ahi oo ay diyaar u ahayeen dawlada Somaliland iyo xisbiyada qaran kuba iminkana November 13 keeda diyaar ayaa loo yahay in qaranka Somaliland doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacdo .


 

 

Umada Somaliland doorashadaas waa u diyaar , dawlada iyo xisbiyaduna waa u diyaar danta Somaliland baana ku jirta in ay doorashadu xiligeeda ku dhacdo " ayuu yidhi wasiirku