Hoggaamiyaha Hong Kong Oo Xilka Loo Dhaariyay

0
Saturday July 01, 2017 - 11:12:54 in by Burco Office
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Hong Kong Oo Xilka Loo Dhaariyay

    Hoggaamiyaha Hong Kong Oo Xilka Loo Dhaariyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Hong Kong Oo Xilka Loo Dhaariyay

Madaxweynaha dalka Shiinaha ayaa ka qaybgalay dhaarinta xafladda hogaamiyaha cusub ee Hong Kong, Carrie Lam, xili la xusayo 20 guuradii ka soo wareegtay marka Britain ay ku wareejisay Shiinaha.


Lam, ayaa ah haweenaydii ugu horraysay ee hogaamiye ka noqota Hong Kong.

Xi Jinping ayaa ka qaybgalay xaflado dhowr ah oo ay ka mid tahay xaflad calanka lagu saarayay, xili ammaanka si wayn loo adkeeyay.

Hasa yeeshee isku dhacyo dhexmaray dibad baxayaal taageersan dimuqraadiyadda iyo kuwa taageersan xukuumada Beijing ayaa ka dhacay meel u dhaw goobta ay xafladda ka dhacaysay, waxaana la xiray dhowr qof.

Khudbad uu jeediyya ayuu Xi ku sheegay in Hong Kong imika ay ku naaloonayso dimuqraadiyaddii ugu waynayd ee abid soo marta taariikhda.

CaleemosaarLahaanshaha sawirkaREUTERS

Waa booqashadisii ugu horraysay ee uu magaaladaas ku tago tan intii uu noqday hogaamiye 2013 waxa ayna imanaysaa saddex sano ka dib markii qaybo ka mid ah Hong Kong,ay ka dhaceen dibadbaxyo bilooyiin socday oo lagu doonayay dimuqraadiyad.

Weriyaha BBC ee Hong Kong Juliana Liu ayaa barteeda a tweetarka ku sheegtay in ay jiraan isku dhacyo dhexmaray booliiska iyo dibad baxayaal taageersan dimuqraadiyada.

MudaaharaadLahaanshaha sawirkaAFP/GETTY IMAGES

Xisbiga u janjeera dhanka dimuqraadiyadda ee Demosisto, ayaa sheegay in ay booliiska xireen shan qof oo ka mid ah xubnaha xisbiga iyo shan xubnood oo ka mid ah xisbiga League of Social Democrats.

Dadka la sheegay in la xiray waxaa ka mid ah Joshua Wong, oo ah hogaamiyaha daladda dhaqdhaqaaqa dibadbaxyda.