Maayarka Magaalada London Oo Codsi U Diray Raysal Wasaaraha Ingiriiska

0
Saturday July 01, 2017 - 11:15:31 in by Burco Office
  • Visits: 589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Magaalada London Oo Codsi U Diray Raysal Wasaaraha Ingiriiska

    Maayarka Magaalada London Oo Codsi U Diray Raysal Wasaaraha Ingiriiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayarka Magaalada London Oo Codsi U Diray Raysal Wasaaraha Ingiriiska

Maayarka magaalada London ayaa ku boorriyay Theresa May inay magacawdo wakiillo maamula deegaannada Kensington iyo Chelsea kaddib markii hoggaamiyaha deegaannadaas uu isu casilay dabkii Grenfell Tower.


Sadiq Khan ayaa soo dhoweeyay go`aankii Nicholas Paget-Brown uu isku casilay, balse wuxuu sheegay in aaminaadda dadweynaha aysan soo celin Karin xubnaha kale ee golaha.

Wuxuu sheegay in dadkii degganaa ay dareemayaan in la dayacay.

Paget-Brown ayaa is casilay Jimcihii kaddib canbaareyn uga timid golaha, isagoo sheegay inay tahay inuu qaato qaybtiisa guuldarrada.

Ugu yaraan 80 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dabka ka kacay dhismaha Grenfell Tower, ee ku yaalla waqooyiga London, 14kii June.

Isagoo ka fal celinaya go`aanka Paget-Brown ayuu Khan sheegay inay caddahay in bulshada ku nool waqooyiga Kensington ay lumiyeen aaminaadda golaha.

Wuxuu ugu baaqay ra’iisalwasaaraha inay magacwdo wakiillo fiican oo u naxariista bulshada si ay ula wareegaan maamulka golaha ilaa laga gaarayo doorashooyinka deegaannada ee xiga.