Ma Ila Socotaa – Akhriso Sheeko Kale Oo Xiiso Badan

0
Thursday July 17, 2014 - 12:44:34 in by Super Admin
  • Visits: 1631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Ila Socotaa – Akhriso Sheeko Kale Oo Xiiso Badan

    Nin Curyaan ah ayaa beri guri lagaga guuray, oo ay duruufo jira awgood reerkii uu ka tirsanaa ka guureen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Curyaan ah ayaa beri guri lagaga guuray, oo ay duruufo jira awgood reerkii uu ka tirsanaa ka guureen.


Muddo markii uu gurigii lagaga guuray joogay ayaa maalintii dambe waxa soo maray reer Geedi ah oo wata dameer qudha oo raran iyo in xoollo ah.

Ninkii Reerka waday ayaa arkay Ninkan curyaanka ah ee laga guuray, dabadeed wuxuu ku yidhi gabadhiisii Ninkan aynu ka qaadno meesha. Gabadhii ayaa ku tidhi "waar waxba qaadi maynee innaga daa’ waxa lagaga guuray ayuu qabaaye…”.

Odaygii ayaa ku gacan saydhay oo Ninkii saaray dameerkii qudha ahaa ee u rarnaa, isagoo ka tiiraanyaysan Ninkan laxaadka la’ ee cidlada lagaga tegay.

Sidii ayay reerkii Ninkii ku qaadeen, dabadeed waxay gaadheen meel magaalo ah, taasoo ahayd meeshii ugu horaysay ee ay cid kula kulmeen.

Markii ay sidaa magaaladii u galeen ayaa Ninkii curyaanka ahaa qaylo afka ooda ka qaaday oo uu ku musanaabay Ninkii miciinka u sameeyay ee cidlada ka soo qaaday, kuna qabsaday qoyskiisii oo dhan, waxaanu  markiiba dadkii magaalada joogay u sheegay in Ninkani ka qaadayo Xaaskiisii iyo Xoolihiisiiba.

Waxaanu ku andacooday inuu ninkani dhexda ka soo raacay, isagoo Dameerka lagu sido oo reerkiisu geedi yahay, doonayana inuu ka qaado Gabadha iyo xoolahaba.

Ninkii samo falaha ahaa ayaa weji gabax iyo xaalad lama filaan ahi la kulantay, waxaanay noqotay in loo gar qaado ay maxkamad isla galaan Ninkii Curyaanka ahaa, kaasoo  ku andacoonaya in la dhacayo.

Waxay isla galeen Maxkamad Magaalada ku taallay, waxaana gartoodii loo dhiibay Nin Xaakin ah oo maxkamadda joogay.

Ninkii xaakinka ahaa markuu dhegeystay dacwadoodii, waxa la isku haystaana  noqotay qoyskii oo dhan oo ay xaaskii xataa ku jirto, cid la socotay oo arintooda wax ka ogaydna aanay jirin, ayuu labadii nin iyo Gabadhii mid walba meel gaar ah ku xidhay, waxaanu mid walba ku daray qof baadhe ah oo xaaladdiisa la socda, Habeen iyo maalin markay halkii ku xidhnaayeen, ayaa saddexdii qof mid waliba ku cataabay.

Ninkii Gabadha iyo reerka laga qaadayay, waxa uu yidhi "Ma maantay nacasnimadayda aan Naagi dhaantay noqday, oo markii aan qaadan waayay taladii Xaaskaygu ii soo jeedisay tani igu dhacday…”.

Gabadhiina waxay ku catowday oo ay tidhi "bal imisaan lahaa innaga daa Ninkani ceebta dadkiisii uga tageen ayuu qabaaye, wataa talo xumaantiisii jeel na gelisay”.

Ninkii curyaanka ahaa ee abaal xumada sameeyay waxa uu isagu ku tabaniyay in jeel kasta ha galee uu Xaaska ama Xoolaha midkood heli doono.

Nimankii baadheyaasha ahaa markay saddexdoodaba  dhegeysteen hadalkii ay xabsiga ka yidhaahdeen, ayay subixii dambe qaadigii Maxkamadda u soo gudbiyeen natiijadii u soo baxday.

Qaadigii markuu baadheyaashii dhegeystay wuxuu markiiba ku dhawaaqay xukunkiisii dacwadda.


Ninkii iyo xaaskii isqabay iyo hantidoodiiba xoriyaddoodii ayuu u soo celiyay. Ninkii curyaanka ahaa ee ku dacwoonayay in la dhacayana wuxuu ku xukumay xadhig, waxaanu u sheegay in dambigii isaga ku cadaaday oo uu qoyskaa damaaciyay.



Ma ila socotaan.



W/Q: Boqor Faysal Cismaan Faarax

Email: kingfaysal111@hotmail.com

Tel: 0634426644

Hargeysa/ Somaliland