"Xisbiga Waddani waxay itaal darradu Bartay Hafar iyo "Habaar" Xildhinaan Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle]

0
Thursday July 17, 2014 - 14:56:34 in by Hargeysa Office
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xisbiga Waddani waxay itaal darradu Bartay Hafar iyo "Habaar" Xildhinaan Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle]

    Iyadoo aynu ku jirno bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayaa beryahan waxaa Saxaafadda si isdabajoog ah ugu soo baxayey hadallo ka soo yeedhaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo aynu ku jirno bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayaa beryahan waxaa Saxaafadda si isdabajoog ah ugu soo baxayey hadallo ka soo yeedhaya

xubno ka tirsan Xisbiga Waddani, hadaladaasoo marka la soo koobo isugu jira "Hafar” iyo "Habaar”. Labadaasina waa waxyaalaha ummadda Islaamka ah aan ku wanaagsanayn inay dhaqan ka dhigato, siiba ayaamaha barakaysan.Hafarka joogtada ah ee ay ku sheegaan inaan Xukuumadda hadda jirtaa waxba qaban malahayga aniga iyo cid kale toonna loogama baahna inay ka difaacdo xukuumadda waayo waxaa u jawaabaya oo "Waa beenyiin” ku odhanaya waaqaca dalka ka jira. Waxay dadku indhahooda ku arkayaan tallaabooyinka aan iidhehda u baahnayn ee Xukuumadda Mudane Siilaanyo fulisey muddadii yarayd ee ay dalka ka talinaysey. Waxaa warka Waddani burinaya dhismayaasha kala duwan ee dawladdu hadda dhistay [oo ay igu dambeysey Xarunta Wasaaradda Duulista] ama dayactirtay, waddooyinka kala geddisan ee ama la dhisay ama la dayactiray ama hadda gacanta lagu hayo, quruxda iyo tayada lagu kordhiyey madaarada dalka, miisaaniyaddii markii Siilaanyo xukunka la wareegey ahayd $47 milyan ee la afar jibbaaray [in ka badan $200 Milyan], Derejadii ciidamada ee lagu dhiiran waayey ee uu hirgeliyey, nabadaynta iyo maamul-fidinta Gobollada Bariga Somaliland oo hadh iyo habeen socota oo nabad lagu tegey Laasqoray iyo Taleex, lacagihii giimbaarta ahaa ee bariga sadheeyey oo qaybtii ugu adkayd la beddeley, adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka oo la sii fidiyey, mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha oo 100% la kordhiyey, dawladaha dunida oo la aqbalsiiyey in Somaliland iyo Somalia Laba dal iyagoo ah ay wada hadlaan, …iyo…iyo..liisku waa mid dheer oo aanan qoraalkan kooban ku soo wada dhammaystiri karayn. Waxaan waxqabadkaas sidaas kooban ugu guud maray inaad ila garato inaan hafarka mucaaradku meel ku lahayn xaqiiqada dalka ka jirta. Nin walba ha ogaado Mudane Siilaanyo uma aynu dhiibin xukuumad leh khasnad buuran oo ay soo galaan dhaqaale Shidaal ama macdan [Dahab] ka soo faruurma. Maalintii uu xilka qabtay waxaa lagu wareejiyey xaashiyo madhan oo weliba deyn [amaah] malaayiin doolar gaadhaysa lagu leeyahay. Wuu ku mahadsanyahay inuu u dhabar adaygay xaaladda jirta, welibana horumarkaas kala duwan ku tallaabsaday.


Tan "Hafarka” ku saabsan intaas sare ayaa inagaga filan, balse ta ka sii darani waa "Habaarka” joogtada ah ee xubnahaas Xisbiga Waddani la soo fadhiyaan saxaafadda iyo saaxadaha siyaasadda. Waxay marar badan ku celceliyeen "dalka waa lagu kala tegeyaa!”, "Tani sii jiri mayso!”, "adduunku wuu ina cunaqabtaynayaa!”, "cid dalka ka talisa la garanmaayo!”, iyo ereyo ka sii daran oo aanan jecleysan inaan halkan ku muujiyo oo ay ku habaarayaan nolosha Madaxda qaranka. Bal eeg xadkay gaadheen! Waxaan is weydiiyey "Maxaa khayrqabayaasha ku kelifaya inay ilaa xadkaas dalkii belo u saadiyaan?!” Jawaabta ugu mudani waxay tahay markay xisaabtameen oo miisaanka saareen waxqabadka iyo siyaasadaha cadcad ee Xukuumadda waxay ka quusteen inay ku soo bixi karayaan doorashada sannadkan soo socda. Waxay yiqiinsadeen inaanay dawlad shaqaysay dhugdhug xukunka kaga ridanayn, markaasay habaar miciinsadeen. Habaarku waa madfaca nin itaal waayay! Waxaa ka muuqata tabar darro iyo aqoon darro siyaasadeed, waxaase u sii dheer [oo ka sii daran] "samir-darro”.


Waxaan hadalkan maanta u soo galay inaan si hagar li’I ah ula taliyo saaxiibadayda WADDANI. Waa hadday doonayaan inay doorashada soo socota ku guulaystaan oo uu Guddoomiye Cirrona Madaxweyne noqdo. Waa talo ku dhisan khibrad aan u yeeshay muddadii koobnayd ee aan Golahan Wakiilada ku irey. Iyadoo kooban waxaan leeyahay marka koowaad inaanay qarankoo dhan la doondoonin odayga ha ugu dadaaleen inay ka taageeraan sidii uu si hufan ugu maamuli lahaa 82ka qof ee ilaa maalintii uu guddoomiyaha ahaa ka weyraxsan habka odaygu u maareeyo shaqada iyo miisaaniyadda golaha. Ogaada shacabku wuxuu ku qiimaynayaa qofka Madaxweynenimo doonaya wixii shaqo ah ee uu hore u soo qabtay. Midda labaad, waxaan saaxiibaday WADDANI kula talinayaa, iyaga iyo odayguba, inay wax la taaban karo oo tusaale noqda ummadda u qabtaan intay doonto ha le’ekaatee. Hadda waxaa lagu bartay waxqabad-la’aan iyo hadal badnaan! Bal soo sheeg hal wax oo nimankaas doobyayaa meelna ka soo qabteen, hal dhisme [buulna ha ahaadee] oo ummaddu majeerato oo ay meel ka taageen.Ha sheegin! Waxaa laga hayaa waa "Hafar” iyo "Habaar” ay u miisaan kii wax soo qabta.


Ugu dambayntii waxaan ku soo afmeerayaa warsaxaafadeedkaygan hees hawleed aan is idhi ma wuxuu geeljiruhu sii ogaa kooxdan WADDANI ee maanta oo dalka hawlo badani ka socdaan kaga dhaqaaqday, wuxuuna ku tilmaamayaa inay iyagu yihii "Habaarqabayaal”, wuxuuna yidhi:


Maalin hawleed,

Oo rag kala hadhay,

Han nirgoodlaha,

Hoos u guuxaha,

Sii hillaabtaha,

Waa Habaar qabe!



Wa Billaahi Tawfiiq.


Xildhinaan Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle]




Contact@afkashacabka.com