Fadhigii Golaha Wasiirada ee Maanta oo Go'aamo laga soo saaray iyo Madaxweyne kuxigenka oo shirguddominayey Fadhiga Manta

0
Thursday July 17, 2014 - 15:07:58 in by Hargeysa Office
  • Visits: 736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadhigii Golaha Wasiirada ee Maanta oo Go'aamo laga soo saaray iyo Madaxweyne kuxigenka oo shirguddominayey Fadhiga Manta

    Fadhigan oo saka lagaga Dooday Arrimaha Gobolada Bariga iyo Sheegashada Somalia ay weli sheganayso Somaliland ayaa caalamka farriimo loogu diray waxana warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada lagu faahfaahiyey nuxurka qodabadii ka soo baxay kalfadhig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhigan oo saka lagaga Dooday Arrimaha Gobolada Bariga iyo Sheegashada Somalia ay weli sheganayso Somaliland ayaa caalamka farriimo loogu diray waxana warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada lagu faahfaahiyey nuxurka qodabadii ka soo baxay kalfadhiga golaha wasiirka ee maanta, waxanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:

Date: - 17/07/2014

WAR-SAXAAFADEED

 

Fadhigii Maanta ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland oo tirsigiisu ahaa fadhigii Boqol iyo Sideed iyo Sodonaad (138aad) oo uu gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Mdaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa goluhu waxa uu kaga dooday sida ay lagama maarmaanka ay u tahay in la cadeeyo mawqifka rasmiga ah ee xukuumada Somaliland ay ka qabto, Sheegashooyin beryahan danbe ka soo baxayey xukuumada ku meel gaadhka ah ee Somaliya oo beesha caalamka ay u sheegayeen in ay ka masuulyihiin meelo ka mid ah xuduudaha, bada iyo Hawada Somaliland, taasi oo haba-yaraatee aanay waxba ka jirin.


Somaliland waxay leedahay xuduudo qeexan oo mucayin ah. oo ah kuwii ay lahayd xiligii gumaysiga iyo ka dibba, xuduudahaasi oo waafaqsan sharciga caalamiga ah kuna cad Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

Hadaba fadhigaasi golaha wasiirada waxa beesha caalamka loogu cadaynayaa in Somaliland iyada oo xaqdhawraysa qawaaninta caalamiga ah, iyana ay xaq u leedahay difaaca xuduudeheeda dhinaca bada, beriga iyo Hawada.

Waxayna xukuumada Somaliland ka digaysaa cidkasta oo soo faragelisa xuduudahaa mucayinka ah ee Somaliland, in ay si aan gabasho lahayn u difaacayso, wixii ka yimaadana cidii ku soo xadgudubtay ay ka masuul tahay.

Ugu danbayn Somaliland waxay ixtiraamaysaa nabad ku wada noolaanshaha dadyawga iyo Dawladaha Geeska Africa iyo kuwa caalamkaba.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

http://www.somaliland.org/images/b/2014/01/Xubnaha-Golaha-Wasirada-iyo-Shirkii-Saylici.jpg