"Shacbiga Gobolka Xaysimo si niyadsami ah ayay u soo dhaweeyeen Gobolnimadda madaxweynaha Somaliland u magacaabay" Guddoomiyaha Degmadda Taleex

0
Thursday July 17, 2014 - 15:31:08 in by Hargeysa Office
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Shacbiga Gobolka Xaysimo si niyadsami ah ayay u soo dhaweeyeen Gobolnimadda madaxweynaha Somaliland u magacaabay" Guddoomiyaha Degmadda Taleex

    Guddoomiyaha Degmadda Taleex ee gobolka cusub ee Xaysimo ee dhawaan madaxweynaha Somaliland magacaabay Jaamac Ciise Shaacuur, ayaa daboolka ka qaaday in gobolnimadda la siiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Degmadda Taleex ee gobolka cusub ee Xaysimo ee dhawaan madaxweynaha Somaliland magacaabay Jaamac Ciise Shaacuur, ayaa daboolka ka qaaday in gobolnimadda la siiyay

degmadda Talleex ay wax weyn ka tarayso sugida nabad-gelyadda iyo horumarka deegaanka labadaba.

Guddoomiyaha degmadda Talleex waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu xalay khadka Telefoonka ku siiyay Tifaftiraha Guud ee wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax, isagoo ku sugan magaalo-madaxda gobolka Xaysimo ee Talleex. 

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu xukuumadda ugu baaqay inay soo degdejiso hawlihii dhismaha maamulka iyo mashaariicda horumarineed ee ay qorshaysay in laga hirgeliyo deegaankaasi.

"Shacbiga Gobolka Xaysimo si niyadsami ah ayay u soo dhaweeyeen Gobolnimadda madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu u magacaabay, waxaanay ahayd wax la wada sugayay oo shacbigu codsadeen, waana gobol istaraataji oo muhiimad balaadhan dalka iyo dadkaba u leh.
Waxaanay dadweynuhu ka mabsuudeen garashadda Madaxweynaha Somaliland ALLE ku ilhaamiyay magacaabista gobolkan cusub eek u soo biiray 13kii gobol ee hore u jiray,”ayuu yidhi Gudoomiyaha degmadda Talleex.

Guddoomiyaha waxa uu gobolka Xaysimo ku tilmaamay gobol aad u dib dhacsan oo u baahan horumarin balaadhan, isagoo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi "Runtii hawl- adag ayaa na sugaysa waayo waa gobol cusub oo la yagleelayo, isla markaana markii uu ahaa degmaddana ay farro-gelin kala duwan ku hayeen cadowga Somaliland oo aad uga dib dhacsanaa degmooyinka kale ee dalka. Waxa imika u baahan wax ka qabasho deg-dega dayactir balaadhan oo lagu sameeyo saldhigii Booliska, dhismaha Jeelkkii Gobolka iyo hirgeljnta Hay’adaha dawliga ah oo dhan, waxaanan ku niyadsan nahay inay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ka go’an tahay inay fuliso mashaariic waaweyn oo gobolka Xaysimo lagu soo gaadhsiinayo dalka intiisa kale.”

Jaamac Ciise Shaacuur, waxa uu tilmaamay inay deegaanka Talleex xiligan ka socoto hawlo nabadeyn ah oo lagu wada hadal siinayo beelo hore ugu diriray Magaaladda Talleex oo uu ku eedeeyay inay maamul goboleedka Puntland isku direen, waxaanu yidhi "Waxa socda hawlo nabadeyn ah oo beelihii shaqaaqooyinku dhex mareen ee Puntland dabka iyo baaruuda iskugu dhiibtay, waxaan filaynaa in dhawaan la soo afjaro colaadahaasi oo ah qaar aan loo baahnayn.”

Guddoomiyaha degmadda Taleex waxa uu ku dooday in intii Somaliland gobolka u magacowday degmadaasi aanay wax dhibaato ah oo nabadgelyadda waxyeelaysaa ka dhicin jiidaas "Intii Madaxweynaha Somaliland degmadda Talleex ka dhigay gobolka ma jiro wax dhibaato ah oo nabad-gelyadda guud saamayn ku yeeshay oo ka dhacay deegaanka. Waxaana dadweynaha galay rajo la xidhiidha inay naawilayaan horumar la taaban karo oo laga hirgeliyo gobolkan dib u dhaca weyni ka muuqdo. Dadweynuhu waxay diyaar u yihiin inay iskaashi balaadhan la sameeyaan xukuumadooda Somaliland.”




XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN