Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland oo ka hadlay Aragtidiisa ciidanka shirkaddaha shidaalka ilaalinaya ee somaliland

0
Thursday July 17, 2014 - 15:48:00 in by Hargeysa Office
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland oo ka hadlay Aragtidiisa ciidanka shirkaddaha shidaalka ilaalinaya ee somaliland

    Wasiirka hore ee Xukumadda Axmed Siilaanyo ka soo qabtay Xilka Wasiirka Arrimaha dibada iyo wasiirka Ganacsiga Md Maxmed Cabdilaahi Cumar ayaa ka hadlay Xidhiidhka wakhtigan ka dhexeeya isaga iyo ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka hore ee Xukumadda Axmed Siilaanyo ka soo qabtay Xilka Wasiirka Arrimaha dibada iyo wasiirka Ganacsiga Md Maxmed Cabdilaahi Cumar ayaa ka hadlay Xidhiidhka wakhtigan ka dhexeeya isaga iyo ...

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo xilka looga qaaday taageero uu u Muuse Biixiu muujiyay Xiligii khilaafka kulmiye, waxaanu yidhi Managed Cabdilaahi Cumar

"Anigu waxa aan ku jira Guddida Fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi-na waanu ku wada jirnaa Guddida Fulinta iyo Golaha Dhexe, waa Guddoomiyahaygii, xidhiidh ayaa naga dhexeeya, Asxaab ayaanu nahay, Saaxiibo isku dhaw ayaanu nahay, si shakhsiyana Saaxiibo ayaanu u nahay”.

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo u waramayay Wargeyska Geeska Africa waxa la weydiiyay sida uu u arko Ciidanka ilaalinaya Shirkaddaha Shidaalka Somaliland ka baadhaya oo dunidu shaki badan ka muujisay, sheegtayna inay amaanka mandaqada waxyeelayaan.

"Ciidamada Somaliland, u tababarayso isla markaana u sameeynayso ilaalinta goobaha Shidaalka laga baadhayo, ee Adduunkii shakiga ku abuuray, ee la moodayo inay yihiin Ciidan Calooshada u shaqaystayaal ah, oo amaanka Mandaqada khatar ku ah, ayaa waxa aan soo jeedin lahaa in Ciidankani yahay Ciidan reer Somaliland ah, oo Kharash iyo Lacag badani ku baxayso, in Adduunka shakiga laga saaro, oo loo caddeeyo halka ay ka yimaadeen Ciidamadani, taas ayaana muhiim ah” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Cumar



Contact@afkashacabka.com