Falastiin Iyo Isra'iil Oo Ogolaaday Inay Sameeyaan Xabad Joojin Ku Meel Gaadh Ah

0
Thursday July 17, 2014 - 16:44:08 in by Hargeysa Office
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falastiin Iyo Isra'iil Oo Ogolaaday Inay Sameeyaan Xabad Joojin Ku Meel Gaadh Ah

    Israa'iil iyo Xamas ayaa aqbalay xabad joojin ku meel gaadh ah oo muddo shan saacadood ah laga dhaqan gelinayo marinka Qaza. Israa'iil ayaa sheegtay in ay joojinayso duqeynta si loo fududeeyo dadaalada gargaarka iyo si dadka Qaza ay u hela

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Israa'iil iyo Xamas ayaa aqbalay xabad joojin ku meel gaadh ah oo muddo shan saacadood ah laga dhaqan gelinayo marinka Qaza. Israa'iil ayaa sheegtay in ay joojinayso duqeynta si loo fududeeyo dadaalada gargaarka iyo si dadka Qaza ay u helaan fursad ay ku heli karaan waxyaabaha daruuriga ah

Xubin ka tirsan ciidamada Israel ayaa qaar ka midaa warbaahinta u sheegay in dagaalka la joojinaayo 10ka subaxnimo illaa 3da galabnimo waqtiga maxaliga ah ee halkaa si dadka Gaza ay u soo gataan waxyaabaha ay doonayaan.

Hamas ayaa hore u sheegtay inay diiday isla markaana ku gacan saydhay xabbad joojintii ay dowlada Masar soo jeedisay. Balse wasaarada arimaha dibada ee Masar ayaa sheegtay inaanay weli dhanka xamaas jawaab cad ka helin

Kooxda Falastiin ee Xamaas, ayaa diiday xabad joojin ay soo jeedisay Masar, wallow dowlada ay sheegtay inaanay jawaab cad ka helin waxaanay dowlada masar xabad joojinta ay ugu baaqday labada dhinac ee is haya ay uga gol leedahay si loo soo afjaro duqeynta arxan darada ah ee ay Israa'iil ay ka waddo Marinka Gaza muddada 9-ka maalmood ah. Isla markaana ay la beeg sanayso dadka rayidka ah,kuwa jilicsan iyo caruurta yar yar

Ku dhawaaqidda xabad joojintan ku meel gaadhka ah ayaa timid kaddib markii 4 carruur ah oo falastiiniyiin ah lagu dilay weerrarada cirka ee Israa'iil, xilli ay ku dheelayeen xeebta.

Israa'iil, ayaa xoojisay weerrarada bilaa arxanka ah ee ay ku hayso Marinka Gaza, xilli xubno badan oo ka tirsan dowladda ay ku baaqayaan in la qaado weerar dhulka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa'iil, Avigdor Lieberman, ayaa sheegay in duqeyn oo kaliya aanay yareyn karin handadaada gantaalada Xamaas



Contact@Afkashacabka.com