Daawo:Raysal-Wasaarihii Pakistan Oo La Caydhiyey, Lagana Mamnuucay Inuu Xil Dambe Dalkaasi Ka Qabto.

0
Friday July 28, 2017 - 19:06:25 in by Burco Office
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Raysal-Wasaarihii Pakistan Oo La Caydhiyey, Lagana Mamnuucay Inuu Xil Dambe Dalkaasi Ka Qabto.

    Raysal-Wasaarihii Pakistan Oo La Caydhiyey, Lagana Mamnuucay Inuu Xil Dambe Dalkaasi Ka Qabto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal-Wasaarihii Pakistan Oo La Caydhiyey, Lagana Mamnuucay Inuu Xil Dambe Dalkaasi Ka Qabto.

Maxkamadda sare ee dalka Pakistan ayaa ka mamnuucday ra’iisul wasaare Nawaz Shariif inuu xafiis dadweyne qabto, kuna amartay inuu si deg deg ah isku casilo.
Afhayeen u hadlay xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa waxyar kadib xukunka maxkamadda ku dhawaaqay in Shariif uu aqbalay go’aanka maxkamadda, islamarkaana uu ka tagay xafiiska.

Maxkamadda ayaa Shariif ku heshay inuu hanti badan dibedda ku urursaday, qariyey, islamarkaana u noolaa si ka baxsan awoodiisa dhaqaale.

Guddiga maxkamadda oo ka kooban shan garsoore ayaa gebigood isku raacay xukunka maanta, waxayna ugu baaqeen mas’uuliyiinta la dagaalanka musuq maasuqa in ay baadhitaan ku sameeyeen gabadha Nawaz oo lagu magacaabo Maryam, seygeeda iyo wasiirka maaliyadda Pakistan Ishaq Dar.
Dar ayaa sidoo kale maxkamadda waxay ka mamnuucday inuu wax xafiis ah qabto.
Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in baaritaan musuq-maasuq lagu sameeyo laba wiil oo uu dhalay Nawaz, oo lagu kala magacaabo Hussain Nawaz iyo Hassan Nawaz.