Wasaradda Macdanta Iyo Tamarta Oo Jawaab Adag Ka Bixisey Eedaymo Uu Usoo Jeediyey Xisbiga Mucaradka ah ee ucid

0
Thursday July 17, 2014 - 19:19:51 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaradda Macdanta Iyo Tamarta Oo Jawaab Adag Ka Bixisey Eedaymo Uu Usoo Jeediyey Xisbiga Mucaradka ah ee ucid

    Wasarada macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay xisbiga mucaaradka ah ee ucid oo sheegeen in wasiirka macdantu uu si sharciga baal marsan uu shirkad aan la garanaynin macdantii dalka ugu fasaxay ,jawaab taasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasarada macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay xisbiga mucaaradka ah ee ucid oo sheegeen in wasiirka macdantu uu si sharciga baal marsan uu shirkad aan la garanaynin macdantii dalka ugu fasaxay ,jawaab taasi ay wasaradu bixisay oo ah jawaab qoraal ah ayaa waxay u dhigneed sidan "

Wasaradda macdanta iyo tamarta Somaliland waxay halkan jawaab kaga bixinaysaa eedaymo been abuur ah oo uga yimid xisbiga ucid oo la xidhiidha macdan dalka si xalal ah uga baxday, oo xisbigu sheegay in amar wasiirku siiyey maayirka iyo badhasaabka gobolka saaxil,

 

Hadaan Qodob Qodob uga jawaabno hadaladdi aan xikmadda laheyn ee ka soo yeedhay nin ku hadlaayey afka xisbiga Ucid oo aan aqoon u laheyn waxaa uu ku hadlaayo, waxaa u masuulkan marka kowaad-ba uu qalday magaca wasaradda oo uu ku sheegay wasaradda macdanta iyo biyaha, taas oo u haysto wali inay tahay hal wasaaraddood isku yihiin,

waxa uu magaca uu shirkada ka been abuuray kuna tilmaamay shirkad aan jirin balse waa shirkadda waraaqadda ku qoran Somaliland, Gemstones Mineral.Com waxaa iska leh nin muaadin ah kaasoo Dalka Ku Soo Kordhiyey Fursadda Camal Waxaan la Mid Yahay dadka somalilanderka ah ee xadiga macdaneed ee ay helaan la soo mara wasaradda so loogu cashuuro olanaashana loo siiyo

 

waxaa ninka ucid u hadlaayey tibaaxay in wasiirku Awood iyo Amar ku siiyey, Maayarka Gobolka Saaxil iyo Badhasaabka, warqadan waxaa ku Xardhan inay ku socoto Katamka Berbera Ogaanshana Loo raaciyey Maayirka Iyo Badhasaabka, Aqoonla ‘aanta haysata cida matalatsa xisbigu waa wax la’la yaabo

 

 

Xisbiga Ucid waxa uu kala garan waayay cashuurta ku waajibta ah muwaadin iyo xaqul qalinka heshiiska shirkadaha ajaanibka, waxaanay yidhaahdeen xaqul qalinka macdantan Wasiirku meel uu geeyey iyo cid xisaabisay garan mayno Ogsoonow oo Cashuurta waxa lagu soo shubay Wasaradda Maaliyada Taariikhda 26_12_2013 No 847713 Cashuurteenu waxay aheyd 8082$.

 

Xisbiga Ucid ayaa caadeystay cayda iyo aflagaadada masuuliyiinta qaranka isagoo marwalba isku qaado arin aan looga fadhiyen cadeynteeda ducment_ga aaney hadalkeeda daa

(ka Fiirso intaanad falin ) fagaarayaasha codbaahintana waxay u noqdeen goob gola ka fuul oo waxuu ku soo dhacaba ay kaga hadaaqaaan.

 

Waxaa ceeb iyo anshax darro ku ah xisbiga Ucid iney afkooda ku hadlaan shaqsiyaad aan aqoon iyo ci;mi toona u laheyn arimaha macdanta, diyaar garawgooduna uu liito


Contac@afkashacabka.com