Daawo:Kuuriyada Woqooyi oo gantaalkii labaad tijaabisay bil gudaheed

0
Saturday July 29, 2017 - 10:28:37 in by Burco Office
  • Visits: 446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Kuuriyada Woqooyi oo gantaalkii labaad tijaabisay bil gudaheed

    Kuuriyada Woqooyi oo gantaalkii labaad tijaabisay bil gudaheed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada Woqooyi oo gantaalkii labaad tijaabisay bil gudaheed

Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ay markii labaad tijaabisay gantaal dheereeya oo ah kuwa isaga kala goosha qaaradaha.

Gantaalkaasi ayaa in kabadan 3000 oo kilomitir hawada ku jiray muddo 45 daqiiqo ah ka hor inta uusan ku hooban xeebta dalka Japan.

Balse Ruushka ayaan qiimeyntaasi ku raacsanayn Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, waxa uuna sheegayaa in gantaalkaasi uu ahaa mid heer dhexe ah.

Kal hore bishan ayaa Kuuriyada Woqooyi ayaa tijaabisay gantaalkeedi ugu horreeyay ee ah kuwa qaaradaha isaga goosha, arrintaa oo ka dhignayd horumar dhanka barnaamijka hubka ee Pyongyang.

Xukuumadda Pyongyang ayaa sii wadda tijaabada gantaaladeeda xitaa iyaga oo lagu sii dhuujinaya xayiraadaha Qaramada Midoobey iyo cambaareynta uga imaaneysa beesha caalamka.