Daawo:Madaxweyne Trump oo beddelay agaasimihii madaxtooyada

0
Saturday July 29, 2017 - 10:33:46 in by Burco Office
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Madaxweyne Trump oo beddelay agaasimihii madaxtooyada

    Madaxweyne Trump oo beddelay agaasimihii madaxtooyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Trump oo beddelay agaasimihii madaxtooyada

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ayaa John Kelly, oo haatan ah madaxa Waaxda Ammaanka Gudaha, inuu noqdo agaasimaha madaxtooyada.

Wuxuu madaxweynuhu beddelay madaxii shaqaalaha, Reince Priebus, maalin kaddib markii agaasimaha cusub ee xiriirka Aqalka Cad uu ku eedeeuau inuu warbixin u gudbiyay warbaahinta.

Anthony Scaramucci ayaa sidoo kale ku tilmaayay Priebus inuu yahay nin wareersan. Madaxweyne Trump ayaa magacaabiddan uga dhawaaqay bartiisa Twitter-ka. Wuxuuna madaxweynuhu Kelly ku tilmaamay inuu yahay qof wanaagsan oo si hufan waajibkiisa u guta.

Xaakim Mareykan ah oo ku gacan seyray qorshaha madaxweyne Trump

Madaxweyne Trump oo "xakameyn doona muhaajiriintaā€¯

Si kastaba, ninka beddelay Priebus, John Kelly, ayaa ah nin aad loo jecel yahay loona xushmeeyo. Xulashadiisa ayaa tusaale kale u ah sida madaxweyne Trump uu u doorbido inuu xilalka maamulka u magacaabo rag milatari ah.