Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka Hadlay Wakhtiga Itoobiya Fureyso Xuduudka Somaliland

0
Friday July 18, 2014 - 00:50:35 in by salman abdi
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka Hadlay Wakhtiga Itoobiya Fureyso Xuduudka Somaliland

    Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Maxamd Biixi Yoonis, ayaa caddeeyay in dawladda Itoobiya ay maalmaha soo socda dib u fureyso xuduudka ay la wadaagto Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Maxamd Biixi Yoonis, ayaa caddeeyay in dawladda Itoobiya ay maalmaha soo socda dib u fureyso xuduudka ay la wadaagto Somaliland.

Sidaana waxa uu ku sheegay Wareysi uu maanta siiyey Laanta afka Soomaliga ee idaacadda BBC-da, waxaanu yidhi "Waanu is aragnay Raysal-wasaaraha Itoobiya, si fiican-bay wadahadalladii noogu dhaceen,

 

waxyaabaha aanu ka wada hadalley waxa ka mid ahaa xuduudka oo xagga ammaanka u xidhnayd, waxaanuna isku afgaranay in dib loo furo iyo wadahadallo kale oo ku saabsanaa xagga ganacsiga, gaar ahaan sidii loo sii horumarin lahaa xagga ganacsiga iyo Maalgashiga”

 

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay "Sidaad ogtahay, Itoobiya iyo Jabuuti iyo waddamo kale oo Ingiriisku ka mid yahay aad-baanu uga wada shaqeynaynaa xagga nabadgalyada, dedaalkayaga ugu weynina waa inaanu Somaliland ahaan deganaansho hello iyi wadamada kale ee jaarka ahiba, markaa ilaaqaad xoog weyn-baanu leenahay, waanad ogeyd in dhawaan dalka Jabuuti ay rabshado ka kiciyeen qolooyin (argagixiso), markaa saddexda waddan-ba si wanaagsan ayaanu u wada shaqeynaa, markaa marka aanu is nidhaahdo dhibaato ayaa jirta waanu ka wada shaqeynaa oo waalla xidhaa, imikana waxaanu isla garanay in dib loo furo, xadka Jabuutina wuu furan yahay, saddexdayada waddanna waanu is kaalmaynaa si aanay dhibaatada jirtaa noo soo gaadhin”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Raysal-wasaaruhu wuxu nagu yidhi amarkii (Xuduudka lagu furayay waan bixiyeyo), markaa waxaanu filaynaa in labada maalmood ee socda dib loo furo…”

 


Afkashacabka
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka