Ciidamo Ka Tirsan Xarakada Alshabaab Oo La Wareegay Magaalada Jawhar.

0
Friday July 18, 2014 - 00:56:16 in by salman abdi
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Ka Tirsan Xarakada Alshabaab Oo La Wareegay Magaalada Jawhar.

    Ciidamo ka mid ah ururka Alshabaab ayaa gudaha u galay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe kadib markii weerar gaadmo ah ku soo qaadeen fariismo ay ciidamada dowlada ku sugnaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka mid ah ururka Alshabaab ayaa gudaha u galay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe kadib markii weerar gaadmo ah ku soo qaadeen fariismo ay ciidamada dowlada ku sugnaayeen.

Saqdii dhexe ee xalay ayaa mar kaliya laga maqlay dhinaca bari ee magaalada halkaas oo ay fariisimo daafac ku lahaayeen ciidamada milatariga ee dowlada Federalka Soomaaliya rasaas xoog leh oo ka dhacaysa.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka degen xaafadaha Horseed iyo Buulo Shiiq, waxa ay maqlayeen ciidamo ku dhowaaqaya ALLAHU AKBAR ALLAHU AKBAR kuwaas oo ay sheegeen inay ahaayeen Alshabaab.

Hase ahaatee ciidamadii soo galay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ayaa dib isaga laabtay iyadoo aysan jirin cid la dagaalantay sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah.

Waa markii ugu horeysay ee ciidamo ka tirsan Alshabaab ay weerar ku soo qaadaan magaalada Jowhar gudahana u galaan tan iyo markii lagala wareegay degmada Jowhar dhamaadkii sanadkii 2012kii.

Lama oga qasaaraha ka dhashay iskahorimaadkii koobnaa ee ka dhacay magaalada, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in ay jirto qasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Magaalada Jowhar ayaa dhowrkii habeen ee la soo dhaafay waxaa ka jiray bandow ay ku soo rogeen ciidamada Milatariga iyadoo laga cabsi qabay in weerar lagu soo qaado magaalada Jowhar.

 



Afkashacabka 

Muqdisho/Office 

Contact@afkashacabka.com