Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Lacago Cusub oo Baanku soo Dabaacay

0
Friday July 18, 2014 - 01:24:47 in by salman abdi
  • Visits: 740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Lacago Cusub oo Baanku soo Dabaacay

    Bangiga dhexe ee Somaliland ayaa la soo degay Lacago uu soo daabacday oo ka kooban Lacagta kunka shillin iyo shanta Boqol ee Xukumadda siilaanyo samaysay sanadkii hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bangiga dhexe ee Somaliland ayaa la soo degay Lacago uu soo daabacday oo ka kooban Lacagta kunka shillin iyo shanta Boqol ee Xukumadda siilaanyo samaysay sanadkii hore.

Lacagtan oo aan laga hayn xog rasmi ah inta ay leeg tahay ayaa la sheegay inay labadii maalmood ee u dambeeyay ka soo degaysay Madaarka Berbera, lagana keenay Dalka Kenya.

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa beeniyay Warar warbaahina qaar baahiyeen oo sheegayay in Lacagtaasi ay ka mid tahay Lacag Cusub oo ka kooban 10 Kun oo isku yaala islamarkaana aanay Baarlamaanku ogayn

"Lacagta soo gashay ee dalka soo gaadhay waa tii hore ee aynu isticmaali jirnay, waxaanan idiin sheegayaa in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in lacago cusub la soo daabacay.
Marka ay timaado baahida loo qabo Lacag cusub oo la soo kordhiyaa waxa khasab ah ama sharcigu dhigayaa in Barlamaanka la hor geeyo, dabadeedna ay ansixiyaan, sidaas uun baa lagu soo daabici karaa, laakiin lacag la soo daabacay oo cusub ayaa soo gashay, waa been” ayuu yidhi Gudoomiyaha Banka Dhexe.



Afkashacabka
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com