Madaxii warbaahinta Aqalka Cad ee Mareykanka oo xilka laga qaaday

0
Tuesday August 01, 2017 - 09:57:09 in by Burco Office
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxii warbaahinta Aqalka Cad ee Mareykanka oo xilka laga qaaday

    Madaxii warbaahinta Aqalka Cad ee Mareykanka oo xilka laga qaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxii warbaahinta Aqalka Cad ee Mareykanka oo xilka laga qaaday

Agaasimihii warbaahinta Aqalka Cad Anthony Scaramucci ayaa shaqada laga cayriyay kaddib wax ka yar 10 maalmood oo uu xilkaasi hayay.

Scaramucci ayaa la kulmay cambaareyn kaddib markii uu u yeeray weriye kaddibna uu jeediyay khudbad dheer oo uu ugu gafay dadka ay isla shaqeeyaan.

Agaasimihii madaxtooyada Aqalka Cad Reince Priebus iyo afhayeenkii Aqalka Cad Sean Spicer ayaa labadooduba Scaramucci dartiis shaqada uga tegay.

Go`aankan ayaa waxaa gaaray agaasimaha cusub ee madaxtooyada Aqalka Cad, Gen John Kelly, oo xilkaasi loo dhaariyay Isniintii.

Haweeneyda afhayeenka u ah madaxweyne Trump, Sarah Sanders, ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu u maleynayo in hadalkii uu Scaramucci u sheegay weriyaha uusan ku habbooneyn qof booskiisa oo kale jooga.

Inkastoo muddada uu xilka hayay Scaramucci ay aad u gaabneyd haddana wuxuu sameeyay amarro badan oo dhibaato abuurayay, wuxuuse haatan ka daba tegay kuwii dartiis isku casilay.