Mareykanka oo cuna-qabateyn saaray madaxweynaha Venezuela

0
Tuesday August 01, 2017 - 10:17:43 in by Burco Office
  • Visits: 483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo cuna-qabateyn saaray madaxweynaha Venezuela

    Mareykanka oo cuna-qabateyn saaray madaxweynaha Venezuela

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka oo cuna-qabateyn saaray madaxweynaha Venezuela

Dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro inuu yahay keligii-taliye, kaddib markii uu qabtay codbixin la isku khilaafsan yahay oo lagu dooranayay gole dastuur.

Cuna-qabateyntan waxaa ka mid ah, in shirkado iyo shakhsiyaad Mareykan ah laga mamnuucay inay wax xiriir ah la yeeshaan madaxweyne Maduro.

Doorashadii dhacday Aaxaddii ayaa sababtay qalalaaso wata dibadbaxyo ballaaran oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof.

Madaxweyne Maduro ayaa ku sheegay codbixinta inay tahay mid dhanka horumarka loo qaaday".

Isbahaysiga mucaaradka, oo qaaddacay doorashada ayaa sheegay in 88% codbixiyeyaasha ay isaga hareen codbixinta. Waxay mucaaradku diideen inay aqoonsadaan doorashada, iyagoo ku baaqay dibadbaxo kale.

Dibadbaxyo kale ayaa la filayaa inay dalkaasi ka dhacaan

Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Venezuela Luisa Ortega, ayaa cambaareysay dowladda madaxweyne Maduro, iyadoo ku sheegtay codbixinta inay muujineyso damac keligii-telisnimo ah.

Bulshada dalka Venezuela oo 30 milyan ah ayaan haysan waxyaabaha aasaasiga ah iyo dawo, iyadoo dhaqaalaha tacbaanka ah ee dalkaasi uu hoos u sii dhacayo.

Mowjado dibadbaxyo ka dhan ah dowladda ayaa ruxay dalkaasi muddo afar bilood ah, waxaana ku dhintay in ka badan 120 qof.