MASAR: Haweenay Duruufta Noloshu Ku Qasabtay Inay Isu Ekaysiiso Muuqaalka Ragga.

0
Tuesday August 01, 2017 - 13:56:28 in by Burco Office
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MASAR: Haweenay Duruufta Noloshu Ku Qasabtay Inay Isu Ekaysiiso Muuqaalka Ragga.

    MASAR: Haweenay Duruufta Noloshu Ku Qasabtay Inay Isu Ekaysiiso Muuqaalka Ragga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MASAR: Haweenay Duruufta Noloshu Ku Qasabtay Inay Isu Ekaysiiso Muuqaalka Ragga. MASAR: Haweenay Duruufta Noloshu Ku Qasabtay Inay Isu Ekaysiiso Muuqaalka Ragga.

 

 

 

Cid kasta oo la dhaqanta isla markaana kula nool Degmada Bani Suweef oo ku taalla Koonfurta Magaalo madaxda Dalka Masar waxa uu u yaqaanaa Bakaar, isla markaana waxa laga aaminsan yahay in Bakaar uu yahay nin Ragga oo xoogsada laakiin xaqiiqada dhabta ahi way ka duwan tahay sidaas. 1Xaqiiqada dhabta ahi waxay tahay in Ruuxa sawirkiisu uu inoo muuqdo aanu ahayn Qof ragga, balse ay tahay haweenay magaceeda la yidhaahdo Bahiya Cali Sulaiman waxaanay da’deedu tahay 32 jir , sababta ku kaliftay Bahiya inay dadka khiyaamayso, isla markaana ay qaadato dharka ragga kana tagto dumarnimadeedii ayaa waxay tahay baahida iyo inay xoogsato waxay ku noolaato. Bahiya oo wareysi siisay Shabakada Al­arabiya ayaa waxay ku sheegtay in xaaladdan ay ku jirtay muddo ka badan 15 sano, dhamaan dadkii la tacaamulayna ay aaminsan yihiin inaanay ahayn qof dumar ah, balse ay tahay nin, kaasoo lagu magacaabo Bakaar, waxaanay sheegtay in markii ay da’deedu ahayd 15 jir la guursaday, iyadoo uu guursaday nin xiligaas ka waynaa da’ ahaan16 sano oo carruur hore dhalay, kaasoo ku xoogsan jiray Tik yar ama gaadiidka loo yaqaan Bajaaj oo uu wixii ka soo baxa ku quudin jiray ubadkiisa, ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Xamdi Saalim Ahmed oo haatan da’diisu tahay 48 jir ayaa waxa ay udhashay haweenaydan Bahiya afar carruura.

Bahiya ayaa waxay sheegtay in saygeedu uu galay shil, kaasoo sababay inuu noqdo bukaan­jiif, isla markaana uu shilkaas ku waayay awoodda hadalka iyo maqalka intaba, waana arrinta keentay inay iyadu bedesho saygeeda oo ay kaxayso kuna xoogsato Tiktii uu saygeedu lahaa si ay ubadkooda ugu hesho wixii ay quudan lahaayeen iyo sidii ay Saygeeda ugu heli lahayd dawooyinka uu u baahan yahay, Sidaas ayay gabadhan Bahiya ku noqotay haweenaydii Faqrigu ku kalifay inay ka tagto dhedignimadeedii, iskana dhigto muuqaalka ragga, si ay ubadkeeda u korsato .