FBI-da Mareykanka oo yeelatay hoggaan cusub

0
Wednesday August 02, 2017 - 08:43:20 in by Burco Office
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FBI-da Mareykanka oo yeelatay hoggaan cusub

    FBI-da Mareykanka oo yeelatay hoggaan cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FBI-da Mareykanka oo yeelatay hoggaan cusub

Aqalka sare ee Mareykanka ayaa cod ku ansixiyay in Christopher Wray uu noqdo agaasimaha cusub ee FBI-da Mareykanka.

Xilka Christopher Wray hadda loo dhiibay ayaa tan iyo bishii shanaad ee sanadkan aysan jirin cid haysay kaddib markii madaxweyne Trump uu xilka ka xayuubiyay James Comey oo xilligaasi ahaa agaasimaha FBI-da Mareykanka.

Comey ayaa xilkiisa ku waayay sababo la xiriira baaritaan ka dhan ah faragelin la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee guushu ay ku raacday Trump.

Christopher Wray ayaa ahaan jiray mas'uul sare oo ka tirsan waaxda caddaaladda Mareykanka, waxa uuna la soo shaqeeyay madaxweyne George W Bush.

Wray ayaa aqlabiyaddii loo baahnaa ka helay dhammaan xubnaha labada xisbi ee ka tirsan guddiga garsoorka ee golaha sare kaddib kalfadhi guddigani yeeshay bishii la soo dhaafay, xilligaasi oo uu muujiyay sida uu u tixgelin doono dastuurka Mareykanka.