Murankii Golaha Wakiilada oo soo laba kacleeyay iyo xurguf siyaasadeed oo mar kale ka dhex curatay Xildhibaanada Wadani iyo Kulmiye

0
Friday July 18, 2014 - 15:13:50 in by Hargeysa Office
  • Visits: 898
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murankii Golaha Wakiilada oo soo laba kacleeyay iyo xurguf siyaasadeed oo mar kale ka dhex curatay Xildhibaanada Wadani iyo Kulmiye

    Mudanayaasha Aqalka Wakiilada Somaliland ee ka soo kala jeeda Xisbiyada Kulmiye iyo Wadani ayaa labadii cisho ee ugu danbeeyay laga dareemayay xurguf siyaasadeed, taasi oo ay xildhibaanada ka soo kala jeeda labadaasi xisbi ay isku marinayeen warbaahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudanayaasha Aqalka Wakiilada Somaliland ee ka soo kala jeeda Xisbiyada Kulmiye iyo Wadani ayaa labadii cisho ee ugu danbeeyay laga dareemayay xurguf siyaasadeed, taasi oo ay xildhibaanada ka soo kala jeeda labadaasi xisbi ay isku marinayeen warbaahinta.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, Xildhibaan bashiir tukaale iyo mudanayaal kale oo mucaaradka ka tirsan ayaa Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye si xoog ah ugu dhaliilay inay ku tumatay sharciga iyo kala danbayntii dalka isla markaan ay ku fashilantay waxyaabihii umada u dooratay, waxaana ku tilmaamay xukuumada in aanay sii wadi karin hogaanka iyo talada dalka.

dhinaca kale Mudanayaasha Muxaafidka ee ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo uu hormood u yahay xildhibaan Bukhaari ayaa iyagu xisbiga Wadani ku eedeeyay inay gacan saar la leedahay Dawlada Soomaaliya, waxaana uu u soo jeediyay mudanayaashaasi in sharciga dalka loo hogaansamo, lagana waantooba waxyaabaha dhaliilaha ee aan jirin ee loo soo jeedina xukuumada iyo xisbigeeda.

Murankan u dhexeeyay xildhibaanada ka wada tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa noqonaya mid ifafaale u ah, muran hor leh oo la kawsada marka uu furmo fadhiyada Aqalka Wakiilada Somaliland.


Afkashacabka.com

Hargeysa / Office

Contact@afkashacabka.com