Daawo Muqaal: 298 Qof Oo Diyaarad Malazia Leedahay Ku Dhintay Kadib Markii Gantaal Lagaga Dhutay Hawada Ukriane.

0
Friday July 18, 2014 - 23:30:49 in by salman abdi
  • Visits: 1432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Muqaal: 298 Qof Oo Diyaarad Malazia Leedahay Ku Dhintay Kadib Markii Gantaal Lagaga Dhutay Hawada Ukriane.

    298 Qof Oo Diyaarad Malazia Leedahay Ku Dhintay Kadib Markii Gantaal Lagaga Dhutay Hawada Ukriane.Diyaarad ay leedahay dalka malazia ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

298 Qof Oo Diyaarad Malazia Leedahay Ku Dhintay Kadib Markii Gantaal Lagaga Dhutay Hawada Ukriane.Diyaarad ay leedahay dalka malazia ayaa  lagu soo riday hawada dalka ukriane shalay dhinaca ay xadka kula leedahay dalka rashia ee maleshiyadu xukunto.
Diyaaradan ayaa sidan rakaab dhan 298 qof oo ka kala yimi dalal kala duwan oo yurub amerika iyo malezia , waxaana dhamaan ku naf wayeen 298 qof gantaalka hawada ee lagu dhuftay diyaarada number keedu ahaa flight 17 oo laga lahaa dalka malazia.
Ilaa hada waxaa socda baadhis cida ka danbaysay soo ridida diyaarada waxaana isku tuurtuuraya dalalka ukriane iyo rashia halka la sheegayo in maleeshiyo ka go'aday ukraine ku lug leedahay lakiin wali waxaa socoda baadhis.

Dhinaca kalena madaxwaynaha rashia Puttin ayaa ku eedayay in ukraine ka danbaysay gantaalka lagu dhuftay diyaarada ,sidoo kale maleeshiyada ka dagaalanta gudaha ukraine ayaa ku eedeyay dawlada ukriane iny soo riday yadu diyaarada kuna dhufatay gantaalka.
Dawlada maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in aanu ahayn khalad ku dhacay diyaarada sida badheehdka loo soo riday tahayna argagixis nimo.

Si kastba ha ahaate arinkan diyaarada la soo riday ayaa ku soo beegmaya xili siyaasada dalalka maraykanka iyo rashia aanay fiicnayn arinka ukraine awadeed oo ay ka oogantahay xaalad dagaal.









Afkashacabka
Contact@afkashacabka.com