Ururka Duulimaadyada Calamka Oo Air Ugandha Ka Mamnucday Duulimaadyada Caalamka

0
Friday July 18, 2014 - 23:35:24 in by salman abdi
  • Visits: 745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Duulimaadyada Calamka Oo Air Ugandha Ka Mamnucday Duulimaadyada Caalamka

    Warbixin kasoo baxday Ururka Duulimaadyada Caalmka, ayaa waxaa lagu sheegay inaysan suuragal aheyn in Air Ugandha ay sameyso duulimaadyo caalami ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin kasoo baxday Ururka Duulimaadyada Caalmka, ayaa waxaa lagu sheegay inaysan suuragal aheyn in Air Ugandha ay sameyso duulimaadyo caalami ah.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Air Ugandha laga helay Cilado badan oo sababi kara inay soo dhacaan Diyaaradahaasi xiliyada ay ku jiraan hawada.

Ciladahaani ayaa waxaa lagu Ogaaday baaritaano socday muddo dheer, taasi oo lagu xaqiijinaayay Caafimaadka diyaaradaha Air Ugandha, iyadoona maanta Ururkaasi ay u suura gashay inay soo bandhigaan Qoraalka lagu xaqiijinaayo ciladaha diyaaradaha Shirkadaasi.

Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay inay suuragal noqon karto in ciladaha heysta diyaaradaasi ay sababto geerida kumanaan ruux oo xiliyadaasi Safarkooda u adeegsanaayo Air Ugandha taasina ay mudan tahay in wakhti hore laga waantoobo.

Dhanka kale, hakinta duulimaadyada Air Ugandha, ayaa waxa ay saameyn adag ku yeelaneysaa Ciidamadda Midowga Africa ka jooga Dalka Somalia, gaar ahaan kuwa Ugandha oo iyagu dantu ay bidi doonto inay raadiyaan diyaarado kale oo u kala gooshta Muqdisho – Ugandha, waxa ayna u muuqaneysaa in la heli doono diyaarado kuwaasi ka duwan oo u adeega AMISOM.


Afkashacabka.com
Contact@afkashacabka.com