Madaxweynaha Soomaaliya Oo Beeniyay Warbixin Ay Ka Qoreen Guddiga Qaramada Midoobay U Qaabilsan La Socodka Cunaqabataynta Hubka Ee Dalka Soomaliya,

0
Friday July 18, 2014 - 23:38:26 in by salman abdi
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo Beeniyay Warbixin Ay Ka Qoreen Guddiga Qaramada Midoobay U Qaabilsan La Socodka Cunaqabataynta Hubka Ee Dalka Soomaliya,

    Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay warbixin uu qoray guddiga Qaramada midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Ereteriya, taasoo ahayd lunsashada lacag ay dowla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay warbixin uu qoray guddiga Qaramada midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Ereteriya, taasoo ahayd lunsashada lacag ay dowladdu lahayd.

Guddiga Monitoring Group ayaa dhowaan madaxweynaha ka qoray warbixin dheer oo ay kaga hadleen in madaxweyne Xasan uu ku lugleeyahay isla markaan uu lunsaday lacag malaayiin doolar ah oo dowladda Soomaaliya u taalay dibadda.

 

Warbixinta ayaa lagu xusay in lacagtaan ay lunsadeen madaxweynaha Soomaaliya, xildhinaanad Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aaden oo ahayd wasiirki Arimaha dibadda iyo shirka dhinaca sharciyada oo laga leeyahay dalka Mareykankau adeegsaday xildhibaanad Fowsiyo Xaaji Aaden.

Lakin haatan war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warbixintan ay soo saartay Monitoring Group sida ay qortay wakaaladda wararka ee Anadolu ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in warkaan uu yahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad lahayn.

Xildhibaanad Fowsiyo ayaa sidoo kale horray u beenisay warkaan, iyadoo sheegtay inay dacwo kusoo oogeyso dadka qoray warbixintaan.

CONTACT@AFKASHACABKA.COM