Safiirkii Somaliland U Fadhiyay Itobiya oo Xilki Iska Casilay

0
Saturday July 19, 2014 - 09:54:41 in by Super Admin
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirkii Somaliland U Fadhiyay Itobiya oo Xilki Iska Casilay

    Safiirkii dawladda Somaliland u fadhiyi jiray Magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, Aaden Nuux Dhuule, ayaa xilkaasi laga qaaday, ka dib markii sida la sheegay ay hoos u dhacday shaqadii Safaaradda uu masuulka ka ahaa u haysay Qaranka S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirkii dawladda Somaliland u fadhiyi jiray Magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, Aaden Nuux Dhuule, ayaa xilkaasi laga qaaday, ka dib markii sida la sheegay ay hoos u dhacday shaqadii Safaaradda uu masuulka ka ahaa u haysay Qaranka Somaliland.

Sida ilo-wareedyo xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Madaxa-banaan ee Somalilandtoday, Aaden Nuux Dhuule, ayaa xilkii Safiirnimo ee uu u hayey Somaliland ka tagay, ka dib safarkii Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku sii maray Magaalada Addis-ababa toddobaadkii hore.

Waxa la sheegay in Aaden Nuux Dhuule uu shaqadaasi ka tagay isaga oo ka cadhaysan cabashooyin iyo dhaliilo ay masuuliyiinta dawladda Itoobiya uga gudbiyeen Madaxwaynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland markii ay kula kulmeen Addis-ababa, kuwaasi oo la sheegay inay la xidhiidheen dabacsanaan ku timid hawsha diblumaasiyadeed ee safaaraddu qaabilsanayd.

Iyada oo xogaha aanu helay ay tibaaxeen in Aaden Nuux Dhuule uu awoodi waayay inuu wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya la sameeyo xidhiidh toos ah, si uu wax uga ogaado dhaliilaha ay shaqada safaaraddiisa ka tirsanayeen, ka hor intaan weftiga Madaxwaynuhu tagin Addis-ababa.

Warka ayaa intaasi ku daraya, in Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey Itoobiya uu isaga oo cadhaysan isla-markaana qalad u arka xogaha Itoobiya ka bixisay shaqadiisa uu ka baxay Madaarka diyaaradaha Magaalada Addis-ababa oo uu u sii raacay weftigii Madaxwaynaha Somaliland ee London u safray, taasi oo muujinaysa in isaga iyo Madaxwaynaha ay u kala dhamaatay, inkasta oo laga war-qabin waxa ay is yidhaahdeen ka hor inta aanu cadhada kaga tagin. Laakiin warar dheeraad ah oo aanu hellay ayaa sheegay in Aaden Nuux Dhuule, dad uu la sheekaystay uu u sheegay inay muhiim tahay in xilka uu ka tagay ay muhiim tahay inaan la dhaafin beeshiisa oo uu tilmaamay inay xaq u leedahay, taasi oo markhaati u ah in lagu war galiyey inuu shaqada iskaga tago.


Dhanka kale, xil ka xayuubinta lagu sameeyay Aaden Nuux Dhuule, ayaa ku soo beegmaysa xilli ay cabashooyin badan ay ka soo yeedhayeen muwaadiniinta reer Somaliland ee safaaradda Addis-ababa ay hawluhu kaga xidhmaan iyo weliba ardayda reer Somaliland ee ku dhaqan Addis-ababa oo ka caban jiray inaanu kala soo qayb-gali jirin xusaska qaranimada ee qabsadaan.




Afkashacabka.com
Contact@afkashacabka.com