Wasiir Cukuse oo Mar kale ka hadlay Biyo La'aanta Caasimadda

0
Saturday July 19, 2014 - 21:34:55 in by Super Admin
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cukuse oo Mar kale ka hadlay Biyo La'aanta Caasimadda

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa markale ka hadlay biyo la'aanta Magalada Hargaysa, xaflad afur ah oo loo qabtay Wasiir ku- xigeenka wasaaradda Kaluumaysiga C/kariin Axmed Mooge oo kulmisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa markale ka hadlay biyo la'aanta Magalada Hargaysa, xaflad afur ah oo loo qabtay Wasiir ku- xigeenka wasaaradda Kaluumaysiga C/kariin Axmed Mooge oo kulmisay  Wasiiro, agaasimayaal, iyo marti sharaf kale ayuu kaga hadlay Wasiir Cukuse biyaha Hargaysa.

Waxana ugu horayntii halkaasi ka hadalay wasiirku xigeenka cusub ee wasaradda kalumaysiga iyo khayraadka badaha mudane C/kariin Axmed Mooge waxana uu mahadnaq kadib ka hadalay xilka cusub ee lo magacabay”dhalinyaranimadaas iyo waxqabdka iyo dhaqdhaqaaq dhalinyaranimo uun buu maxadwaynuhu ishiisa la raacay oo sidaas ayuu igu magacabay xilka ana waxa aan donaya xilkaas la ii’igmaday in aan sidiisa uga soo baxo oo aanan madaxwaynaha khasaraynin”

Wasiirka wasaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland C/laahi Mxamed Daahir Cukuse oo hadalka qaatay waxa uu ka hadalay biyalaa beryahan danbe ee laguna guda jirro bisha barakaysan ee rabadan soo fodsarata magaladda Caasimadda ah ee Hargeysa "Haddii aan ka waramo arinta biyaha caasimada Hargeysa, waxa jirtay markii hore in xaafada koonfurta ay dadku aad u kacsanaayeen haraad fara badana wuu ka muuqday waxaana ka soo dhacay haraad labaatan sano ah dabadeed wax kasta oo loo sheego way rumaysanayaan oo la odhanayo biyihiinii waa laydinka hor joogsaday.Waxaan idiin sheegayaa in waxaas oo dhami yahay wax shaydaanku rabadaanta inoo soo dhex raacay, magaalada Hargeysa waxaynu u naqaanaa in daantaasina (Waqooyiga) ay dharagtay daantana (koonfurta) ay ooman tahay laakiin daantaasna aynu soo hubsano inta biyo hesha iyo inta aan helin



Afkashacabka.com

Hargeysa / Office

Contact@afkashacabka.com