KUURIYADA WAQOOYI OO MARKI UGU HORREYSAY KA HADASHAY GANTAAL AY DUL MARISAY HAWADA DALKA JAPAN

0
Wednesday August 30, 2017 - 14:00:33 in by Burco Office
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KUURIYADA WAQOOYI OO MARKI UGU HORREYSAY KA HADASHAY GANTAAL AY DUL MARISAY HAWADA DALKA JAPAN

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa Talaadadi ku hanjabay in ay miiska u saaranyihiin dhamaan ikhtiyaarrada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa Talaadadi ku hanjabay in ay miiska u saaranyihiin dhamaan ikhtiyaarrada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa Talaadadi ku hanjabay in ay miiska u saaranyihiin dhamaan ikhtiyaarrada

Kuuriyada Waqooyi ayaa marki ugu horreysay ka hadashay gantaal ay Isniintii dul marsiisay hawada dalka Japan, iyada oo sheegtay in ay uga jawaabeysay dhoolatuska millatari ee ay ciidamada Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed dhawaan sameeyeen.

Wakaaladda Wararka Kuuriyada Waqooyi ee loo soo gaabiyo (KCNA) ayaa kasoo xigatay hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un in gantaalka ay rideen uu ahaa mid ay dhab ka aheyd iyo sidoo kale tallaabo ay milatariga Kuuriyada Waqooyi u qaadeen howlgalka badda baasifiga.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa Talaadadi ku hanjabay in ay miiska u saaranyihiin dhamaan ikhtiyaarrada ku aadan jawaabta uu Mareykanka ka bixin doono gantaalka ay Kuuriyada Waqooyi ka dul ridday dalka Jappan.

Safiirada Mareykanka u




fadhida Qarmada Midoobay Nikki Haley ayaa kulan aanan caadi aheyn oo ay shalay gelinki danbe Golaha Amaanka ee QM ka yeesheen arrinta Kuuriyada Waqooyi ka sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay ku xadgudubtay dhamaan qaraarada QM.

 

Dunida ayey ugu baaqay inay u midoobaan sidii tallaabo looga qaadi lahaa Kuuriyada Waqooyi

 

Sources:VOA.