Maxaa U Diiday Magaalada Burco Inay Yeelato Ilaacad Maxaliya

0
Monday July 21, 2014 - 15:38:21 in by
  • Visits: 2055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxaa U Diiday Magaalada Burco Inay Yeelato Ilaacad Maxaliya

    Tan Iyo Intii Somaliland Lasoo Laabatay Xornimadeeda Magaaladani Burco Waxa ay Horseed Ka Ahayd Horu Marinta Bulshada Iyo Qadiyada Somaliland Waxaana Tanyo Intii Dhidibadda Loo Taagay Somaliland tiir u ahayd Qarankani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan Iyo Intii Somaliland Lasoo Laabatay Xornimadeeda Magaaladani Burco Waxa ay Horseed Ka Ahayd Horu Marinta Bulshada Iyo Qadiyada Somaliland Waxaana Tanyo Intii Dhidibadda Loo Taagay Somaliland tiir u ahayd Qarankani

Ilaayo intii ay Somalilad Jirtay Gobolkani Ma Uusan Yeelan War Baahin Ilaacadeed inkastoo Ay Jireen TVyo Maxaliya Oo Ku Kooban Gudaha Magaaladani Burco waxaana Gobolkani Soogaadha Wargayso,TVyo iyo Ilaacado laga Leeyahay Deegaano Ka Mid Ah Somaliland Iyo Dalal Kale Ayadoo Ay Magaalada Burco Tahay Caasimada Labaad Ee Somaliland Ma Jiraan Wargayso Iyo Ilaacad Uu Leeyahay Deegaankani.

Subax Kasta Waxa Ay Dhegaysataan Ama Akhriyaan Shaqo Banaan,Dhakhtar La Furay,Wiil Lumay,Tacasi,Meher wacan,Wadooyin La Dhisay,Xildhibaano Isku Mucaaraday Iyo Warar kale Isla Markaana Aan Ahayn Deegankan Ay Joogaan Waxaana U Qofkii Saaka Soo Toosay Kusoo Toosaa Shaqo Baan TUsaale Ahaan Marka Uu Sii Akhriyo Waxa Ay Noqotaa Deegaan Ka Fog Oo Ugu Yaraan U Jira 400km Isagoo Markii Hore faraxsanaa Ayuu Dib U Fikirii Waana Ta Ku Kaliifta in Uu Tahriibo Ama uu Meesha Uu Joogo Iskaga Tago.

Goobtan aan Joogno Waa Burco Ee Marka Shaqo Cusub Ama Banaan Lasoo Dhejinaayo Waxaa Lagu Dhajiyaa Xafiiska Gobolka iyo Dawlada Hoose Waxaan Ay Dadku Usoo Lugeeyaan Subax walba Halkaasi Ayagoona Saacado Badan Qaadata Inay Ogaadaan Waxa Maanta Lasoo Dhejiyey,Halka Magaalooyinka Qaar Ay Ogaadaan Ayaga Oo Jooga Guryahooda Sida Hargaysa,Waxaana U Saamaxday Taasi ILaacadda Iyo Wargaysyada Faraha Badan Ee Kasoo Baxa Magaaladasi .

Hadii AY Ilaacad Maxaliya yeelan Lahayd Waxa U Hawl Yaraan Lahayd Waxyaabo Faro Badan O Wakhti Ku Qaadan Jirtay Ogaantiisu.

Hadii Aan Subax walba Kusoo Toosno Iskuu Laga Furay Hargaysa,Mulcaamad Quraan Qaadanaysa Arday Cusub,Wiil Ku DHex Lumay Hargaysa,Jaamacd Cusub Oo Arday qaadanaysa Iyo Xayeysiiska Goobaha Dharka Laga Iibsado Maxaa U Diiday Inay magaalada Burco Yeelato Ilaacad Maxaliya Oo Ku Baahiyo Hawlaheeda Isgaadhsiineed.

Tusaale Ahaan Marka Uu Qif Ku Lumo Burco Ee La Waayo waxaa Loo Yeedhaa Nin La Yidhaahdo Ilaacadda wareegta isagoo gaadhi raaca mar marka qaarna lugeeya waxaana uu wiilkaas lumay gaadha baafintiisu xaafadaha magaalada ugu yaraan 12saacadood Hadii La Heli Lahaa Ilaacd Maxaliya 1Sikin Ayaa Ay ku Gaadhi Lahyd,Dawladu Waa Inay Ogolaansho Siisaa Dadka DOonaaya Inay Ilaacad Ka Furaan Burco.

Waxa Aan Ka Hayaa Nin Aanu Saaxiibo Nahay "Niyaw Waxa Hargaysa Ka Dhaca Markiiba Waan Ogaadaa Lakiin Hadii Burco Waqooyi Laga Soo ROgo, Ma Ogaanaayo Ma garanaayo Sababta” Waa Runtii Ma Garanaayo Sababta Lakiin Waa Ilaacad La,aanta Iyo Jaraa,id La,aanta Waayo Kama Soo Baxo Degaankani.

Waxaa Igu Mudan Su,aalo Badan Oo U Baahan In Wax Layska Waydiiyo Iyo Waliba Gorfayn,Su,aalahan Oo Dhawr Ah Ayaa Kala Ah

Ø Maxaa Ilaacad Maxaliya Loogu Samayn Waayey Magaalada Burco?

Ø Miyey Jiraan Wax Khasaare Ah Oo Ay Keeni Karto?

Ø Faa,iido Intee Leeg Ayay Leedahay?

Ø Dawladu Maxay U Furi Waday In Ilaacaddo Maxaliya Oo laga Sameeyo Degmooyinka Dalka?

FIKIRKIINU WAA MUHIM

 

WA BILLAAHI TAWFIIQ

WERIYE SHAAFICI MAXAMED IBRAAHIM

BURCO SOMALILAND

Shaaficimaxamed@gmail.com