Duufaanta Irma oo ku wajahan gobolka Florida

0
Friday September 08, 2017 - 08:09:40 in by Burco Office
  • Visits: 560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duufaanta Irma oo ku wajahan gobolka Florida

    Duufaanta Irma oo ku wajahan gobolka Florida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duufaanta Irma oo ku wajahan gobolka Florida

In ka badan shan boqol oo kun oo qof oo ku nool gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa billaabay inay ka qaxaan guryahooda, xilli gobolkaasi ay kusoo wajahantay duufaanta Irma.

Dadkaasi ayaa u badan kuwa ku nool deegaannada ay khasaaraha baahsan ka geysan karto duufaanta, sida Florida Keys iyo Miami Beach.

Saxmad ballaaran oo dhanka gaadiidka ayaa ka taagan magaalooyinka waaweyn ee gobolkaasi, halka kaalimaha shidaalka ay intooda badan maran yihiin.

Dowladda gobolkaasi ayaa ka codsatay xukuumadda Washington inay si degdeg ah shidaal ula soo gaarto, isla markaana waxay howgeliyay ciidamada national guard-ka loo yaqaano, gawaarida iyo diyaaradaha gurmadka.

Balse cabsida ugu badan ayaa haysata jasiiradaha Turks iyo Kaykos ee hoos taga Britain, kuwaasoo saacadaha soo socda ay ku dhufan doonto duufaanta.

Irma ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda ku dhufato dalalka Cuba, Bahamas, halka maalinta Axada ahna ay soo gaari doonto Florida.

Waxaa suuragal ah inay jiha kale abaarto, balse dadka ku nool gobolka Florida ayaa isu diyaarinaya xaalad waliba.