Duufaanta Irma: Malaayiin qof oo ka qaxaya gobolka Florida

0
Saturday September 09, 2017 - 06:33:22 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duufaanta Irma: Malaayiin qof oo ka qaxaya gobolka Florida

    Duufaanta Irma ayaa khasaaro baaxad leh ka geysan doonta gobolka Florida iyo gobolada deriska la ah, sida uu sheegay madaxa hay'adda qaran ee xaaladaha degdega ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duufaanta Irma ayaa khasaaro baaxad leh ka geysan doonta gobolka Florida iyo gobolada deriska la ah, sida uu sheegay madaxa hay'adda qaran ee xaaladaha degdega ah.

Brock Long ayaa intaa ku daray in Florida ay koronta la'aan noqon doonto maalmo dhan, xilli in ka badan shan milyan oo qof lagu amray inay ka baxaan guryahooda.

Barasaabka gobolkaasi, Rick Scott, ayaa ka digay in waqti badan aanay haysan dadka gobolkaasi, loona baahan yahay inay degdeg uga jawaabaan baaqa loo dirayo.

Madaxweyne Trump oo khudbadiisa todobaadlaha ah u jeediyaya shacabkiisa, ayaa dadka ugu baaqay inay si dhab ah u qaataan digniinta loo jeediyano.

Duufaanta Irma ayaa burbur baahsan ku reebtay jasiiradaha Caribbean-ka, ayadoo saamaysay qiyaastii 1.2 milyan oo qof.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 20 qof.

Goobaha dadka laga daadguraynayo waxaa ka mid ah deegaanka Mar-a-Lago ee uu madaxweyne Trump ku leeyahay gobolka Florida.

Ka dib marka ay ku dhufato xeebaha Florida, ayaa duufaanta waxaa la filayaa inay gaarto gobollada Georgia iyo Koonfurta Carolina.

Wadooyinka iyo garoomada diyaadaha ayaa saxmad badan, xilli malaayiin qof ay ka cararayaan duufaanta.

Xigasho BBC Somali