Thomas Muller Oo Ka Sheekeeyay Sida Uu Ugu Fakaray Ku Biirista Man United & Waxyaabahii Ku Hakiyay Garoonka Allianz Arena.

0
Monday September 11, 2017 - 17:30:10 in by Burco Office
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Thomas Muller Oo Ka Sheekeeyay Sida Uu Ugu Fakaray Ku Biirista Man United & Waxyaabahii Ku Hakiyay Garoonka Allianz Arena.

    Weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller ayaa ku dhawaaday inuu ku biiro Man United laba sano ka hor, balse 27-jirkaan wuxuu ka dhawaajiyay sababtii ka dambeysay inuu iska diido ku biirista kooxdii uu majaraha u hayay Louis Van Gaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller ayaa ku dhawaaday inuu ku biiro Man United laba sano ka hor, balse 27-jirkaan wuxuu ka dhawaajiyay sababtii ka dambeysay inuu iska diido ku biirista kooxdii uu majaraha u hayay Louis Van Gaal.

Weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller ayaa ku dhawaaday inuu ku biiro Man United laba sano ka hor, balse 27-jirkaan wuxuu ka dhawaajiyay sababtii ka dambeysay inuu iska diido ku biirista kooxdii uu majaraha u hayay Louis Van Gaal.

Muller oo haatan aan boos joogto ah ka heysan Allianz Arena ayaa shaaca ka qaaday inuu dalab waali ah ka helay Red Devils, balse fakarkiisii ahaa inuu u dhaqaaqo ay baajisay balan qaad ay u sameeyeen maamulka Bavaria.

Madaxweyne ku xigeenka Bayern MunichJan-Christian Dreesen ayaa xaqiijiyay in Manchester United ay dalab 100 Malyan oo Euro ah miiska u saartay si ay u hesho Muller, balse ay ku gacan seyreen.

"Waxaa jirtay arin, laba sano ka hor, markaas oo uu jiray kiiskaan, waxeyna aheyd markii aan ku fakaray waxaa ku saabsan” ayuu Muller u sheegayKicker. "Balse kooxda ayaa si dhaqso leh ii taageertay waxeyna ii sheegeen inaan halkaan leeyahay”

"Markii ay Bayern ii sheegeen iney ii baahan yahiin iyo sida aan muhiim u ahay, kuma aanan fakarin arinkaas wax badan” ayuu yiri Thomas mar kale.

27-jirkaan heerka caalami wuxuu qaab ciyaareed liita soo bandhigay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay taasoo keentay inuu boos ka heli waayo shaxda macalinka reer talyaani.

"Iguma jirin dareen ah iney wax dhacayaan” ayuu yiri Muller, "Waxaan dareemayay inaan si weyn ugu raaxeysanayo halkaan. faa’idadeyda waxey aheyd inaan waayaheyga dhan u hibeeyo Bayern Munich”