"Waan Ku Faraxsanahay PSG Lakiin Waa Suuro Gal Inaan Katago Mar Uun".Cavani

0
Tuesday July 22, 2014 - 10:11:06 in by Super Admin
  • Visits: 1520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waan Ku Faraxsanahay PSG Lakiin Waa Suuro Gal Inaan Katago Mar Uun".Cavani

    Weerar yahanka ree Uruguay Cavani ayaa ka hadlay mustaqbal kiisa kooxda PSG walow ay jireen warar sheegaya inuu seegay tababarkii PSG ee saaka iyadoon la ogeen sababta uu ku maqnaa laacib kaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar yahanka ree Uruguay Cavani ayaa ka hadlay mustaqbal kiisa kooxda PSG walow ay jireen warar sheegaya inuu seegay tababarkii PSG ee saaka iyadoon la ogeen sababta uu ku maqnaa laacib kaan.

 


Cavani ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay joogitaan kiisa PSG lakiin wuxuu san meesha ka saarin suurto galnimada uu uga tagi karo kooxda ree France isagoo cadeeyay in aysan jirin ilaa hada koox dalab ka soo gudbisay.

"Waqtigaan la joogo dhamaan dadka jooga PSG way ku qanacsan yihiin wax qabad kayga, waxaan u qabsanayaa shaqadayda sidii aan ahaa markii aan joogay Napoli” ayuu u sheegay laacib kaan El Observador."Waxaan haystaa kalsooni aan kaga hortagi karo wax walba, mana ka helo wararka suuqa, waxaan amainsanahay in u wareegida laacib ka ee koox kale aysan ahayn mid ku xiran kaliya laacib ka lakiin waxaa haboon in kooxaha kale uu ka yimaado dalab”.

"Horyaalka ingiriiska iyo kan Germany si aad ah ayaan u jeclahay, lakiin kan France isna kama liito oo horumar ayuu samaynayay sanadihii u danbeeyay”.

"Heshiis 4 sano ah ayaan kula jiraa PSG, waana dhamaysan doona, waan ku faraxsanahay joogi taan kayga PSG lakiin waa suuro gal inaan ka tago maalin uun

Ahmed Fathi

Laacibka kooxda Al-Ahli ee dalka Masar Ahmed Fathi ayaa waqti tijaabo ah ku qaatay kooxda Arsenal isbuucii la soo dhaafay waxaana soo baxaya in laacib kaan uu ku guul daraystay in Arsenal ay heshiis lagaarto.

Ahmed Fathi oo ka ciyaara booska difaaca midig ayaa sidoo kale ka ciyaari kara boosas badan oo difaaca iyo qadka dhexe ah, Arsene Wenger ayaa la dhacay laacib kaan lakiin ugu danbayntii waxaa soo baxay in Wenger uu ku qanci wayo qaab ciyaareed ka laacib kaan.Waxaa la filayaa in laacib kaan uu dib ugu laabto wadankiisa isagoo heshiis kiisa kooxda Al-Ahli uu ku egyahay xaggaagaan.

lakiin waqtigaan la joogo ma ku fikirayo arin kaas”.



james

Kooxda Real Madrid ayaa soo gaba gabaysay saxiixa laacib ka kooxda Monaco iyo qaranka Colombia James Rodriguez waxaana la shaaciyay faah faahina heshiiska uu ugu wareegayo laacib kaan kooxda ree Spain.

Cadena Cope ayaa shaaca ka qaaday in Real Madrid ay kula soo wareegtay laacib kaan 70 milyan oo euro oo lagu darayo 5 milyan oo euro oo lagu sii darayo 5 milyan oo euro oo ay bixinayso Real Madrid hadii laacib kaan uu ku guulaysto kubada dahabiga ah.

Antoine-Griezmann-Real-Sociedad

Kooxda Tottenham ayaa dalab rasmi ah ka gudbisay laacib ka kooxda Real Sociedad Antoine Griezmann sida ay shaacisay goor dhaw Daily Mirror.

Kooxda ree Ingiriis ayaa ku dalbatay laacib kaan 20 milyan oo Ginni si ay ugu qanciyaan kooxdiisa inay ka iibiso 23 jir kaan ree France ee Antoine Griezmann kadib markii laacib kaan uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxdiisa iyo waliba xulka qaranka France.Mirror ayaa intaa ku dartay in laacib kaan lagu bur burin karo heshiis kiisa kooxda ree Spain 24 milyan oo Ginni, Real Sociedad ayaana horay u shaacisay inay ka iibin doonto kaliya laacib kaan kooxdii miiska soo saarta lacagta lagu bur burin karo heshiis kiisa.

Tottenham ayaa kaga hormaraysa saxiixa Antoine Griezmann kooxaha Chelsea iyo AS Monaco oo si wayn u xiisayana laacib kaan ree France.

Laacib kaan ayaa u saxiixi doona kooxda Real Madrid 5 sano isagoo qaadan doona halkii sano 8 milyan oo euro, dhanka xayeeysiinta lacagtii uu ka helo laacib kaan 40% waxaa iska leh isaga, 40% waxaa iska leh Real Madrid halka 20% uu qaadanayo wakiilka laacib kaan.Dhanka kale wargayska Marca ayaa sheegaya in laacib kaan uu xiran doono lanbarka "10″ ee kooxda Real Madrid waxaana la filayaa in kooxda ka dhisan caasimada Spain ay ku dhawaaqdo heshiiska laacib kaan arbacada.

 

AS ayaa qorayasa warkaas war ka duwan waxayna sheegayaan in laacib kaan uu u saxiixi doono Real Madrid 6 sano isagoo qaadan doona sanad kii 7 milyan oo euro waxaana la soo bandhigi doona taalaadada.


Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com