Fernando Torres Oo Laga Yaabo Inuu Dib Ugu Laabto Kooxdiisii Hore Ee Atletico Madrid Iyo D Dgroba Oo Dib ugu Soo Noqon Doono Chelsea

0
Tuesday July 22, 2014 - 13:22:46 in by Super Admin
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fernando Torres Oo Laga Yaabo Inuu Dib Ugu Laabto Kooxdiisii Hore Ee Atletico Madrid Iyo D Dgroba Oo Dib ugu Soo Noqon Doono Chelsea

    Fernando Torres ayaa laga yaabaa inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Atletico Madrid haddii ay kooxda Atletico Madrid gaadho qiimaha Chelsea ay ku doonayso inay ku iibiso Torres.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fernando Torres ayaa laga yaabaa inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Atletico Madrid haddii ay kooxda Atletico Madrid gaadho qiimaha Chelsea ay ku doonayso inay ku iibiso Torres.

Atletico ayaa Torrees ku doonaysa inay ku iibsato lacag dhan £14million.Gudoomiyaha fulinta ee kooxda Atletico Madrid Miguel Angel Gil ayaa London u joogay wada hadalo uu ku doonayay sidii uu Torres ugu soo celin lahaa Atletico balse Axadii ayuu dib ugu laabtay Spain.

Atletico ayaa beenisay inay samaysay dalab rasmi ah oo ay ku doonayso Torres laakiin waxaa jirta xiiso wayn oo ay u qabaan weerar yahankoodii hore.Torres ayaa sheegay inuu ku farax san yahay joogitaankiisa Chelsea..

Chelsea ayaa Torres liverpool kagala soo wareegtay £50million iyadoo haddna ku iibinaysa £20million, inkasta oo uu ku guuldaraystay inuu soo ceshodo qaab ciyaareedkii uu lahaa markii uu joogay liverpool.Diego Simeone ayaa sanadkii hore sheegay in ay dib ugu soo dhawn doonaan Torres Vicente Calderon halkaas oo uu waqti fiican ku soo qaatay laakiinse waxay u baahan yihiin inay kordhiyaan dalalbka ay ku doonayaan Torress.

Xidhiidhka u dhexeeya labada kooxood ee Chelsea iyo atletico Madrid ayaa ah mid fiican ka dib markii ay Chelsea ka soo iibsatay Diego Costa iyo Filipe Luis, waxaana sidookale lala xidhiidhinayaa in Chelsea doonayso difaaca Atletico ee Miranda.

Dhinaca Kaleba Jose Mourinho ayaa sheegay in uu dib ugu soo celin doono chelsea laacibkii hore ee D Dhgroba oo hada jira 36 jir waxaanu sheegay in hal sano oo kaliya uu rabo in chelsea saxeexdo laciibkii hore.

tttttttttt


Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com