Messi Oo La Kulmay Taagere Magiciisa iyo Namberkiisa Dhabarka Ku Xardhaday

0
Wednesday July 23, 2014 - 08:07:27 in by salman abdi
  • Visits: 1387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Messi Oo La Kulmay Taagere Magiciisa iyo Namberkiisa Dhabarka Ku Xardhaday

    Kabtanka xulka qaranka Argentina Lionel Messi ayuu ka yaabsaday taageere u dhashay wadankiisa Argentina kadib markii uu tusay dhabarkiisa oo uu si qurux badan ugu xardhaday magaca Messi iyo waliba No.10 oo ah nambarka Messi xulkiisa iyo kooxdaba u xi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka xulka qaranka Argentina Lionel Messi ayuu ka yaabsaday taageere u dhashay wadankiisa Argentina kadib markii uu tusay dhabarkiisa oo uu si qurux badan ugu xardhaday magaca Messi iyo waliba No.10 oo ah nambarka Messi xulkiisa iyo kooxdaba u xidho.

meess

Messi oo aad ula yaabay taagerahan ayaa waqti siiyay inuu la qaato isagoo sawiro lagaga qaaday intii ay wada joogeen. Messi ayaa ah ciyaartoyga ay aduunka maaliyada No.10 kiisa loogu xidhashada badan yahay isagoo u xidha xulkiisa qaranka argentina iyo waliba kooxda Barcelona.

Messi ayaa la kulmay Taageere aan xidhnayn Maaliyada No.10 ah balse jidhkiisa oo dhabarka ah ku xardhaday magaca laacibka iyo waliba nambarkiisa. Messi ayaa ka mid ahaa ciyaartoygii ugu fiicnaa tartankii koobka aduunka ee lagu soo gabagabeeyay Brasil isagoo ku guulasytay kubbada dahabka ah. Messi ayaa xulkiisa Argentina u horseeday inay finalka koobka aduunka yimaadaan iyagoon muddo 24 sano ah soo gaadhin afar dhamaadka koobka aduunka.Sawirada halkan hoose kaga bogo.

messii

messi

mes

meess

Markasta iyo Wakhti Kasta Kale Saco Wararka Udanbayay Iyo Coyaraha Dunida afkashacabka.com