Arsene Wenger Oo Su,aalo Xiiso Leh Oo Lawaydiiyay Uga Jawaabay Twitter-ka.

0
Wednesday July 23, 2014 - 08:11:50 in by salman abdi
  • Visits: 1433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsene Wenger Oo Su,aalo Xiiso Leh Oo Lawaydiiyay Uga Jawaabay Twitter-ka.

    Shirkada diyaaradaha ee Fly Emirates ayaa fursad u siisay dadka xiiseeya kubada cagta inay su,aalo waydiiyaan tababraha Arsenal iyagoo u sameeyay hashtaag Twitter-ka ah oo ay ugu magacdareen #AskWenger ama #Waydii Wenger.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada diyaaradaha ee Fly Emirates ayaa fursad u siisay dadka xiiseeya kubada cagta inay su,aalo waydiiyaan tababraha Arsenal iyagoo u sameeyay hashtaag Twitter-ka ah oo ay ugu magacdareen #AskWenger ama #Waydii Wenger.

Su,aalihii Uu Ka Jawaabay Wenger ayaa u dhacay Sida tan:

-Waqtigee kugu farxad badnaa intaad tababare aheed?.. Wenger "Markii aan ku guulaystay Premier League-gii iigu horeeyay iyo FA Cup-kii 2014″.

-Maku raxaysatay fasaxaagii xaggaaga?.. Wenger "waxaan ahaa mashquul xiligii fasaxa inkasta oo la igu sawiray xeebaha Brazil, dhabtii waan ku raaxaystay, Brazil waa dowlad cajiib ah”.

-Waa tee dowladii ugu fiicneed ee aad booqato?.. Wenger "Kuma siin karo jawaab toos ah lakin waxaan booqday dowlado badan, noloshaydana waxaan ku qaatay inaan raaco diyaarado badan”.

-Maxaad u soo jeedin laheed ciyaartoyda da,yarta ah si ay horumar u sameeyaan?.. Wenger "Inay tababar qaataan maalin kasta, si aad horumar uga gaarto kubada cagta waa inaad tababar badan qaadataa maalin kasta waana inaad maqashaa talooyinka laguu soo jeedinaayo”.

-Dareenkagu siduu ahaa markii aad ku guulaysatay FA Cup-ka xili ciyaareed kii tagay?.. Wenger "Dhabtii aad ayaan u faraxsanaa, way adkaan laheed inaan aqbalno guul daro”.

-Markii aad yareed ma jirtay kooxo aad taageeri jirtay ama ciyaartoy?.. Wenger "haa, waxa jiray kooxo aan aad ula dhacsanaa waxaana ka mid ah tusaalo ahaa Borussia Mönchengladbach, Bayern Munich iyo Santos oo uu u ciyaari jiray Pele”.

-Kadib kubadii aad madaxaysay markii aad joogtay Brazil, ma jirtaa fursad aad xili ciyaareed kaan ku ciyaari karto weerarka Arsenal? Wenger "Kubadii aan madaxeeyay waxay aheed mid ku timid si lama filaan ah, aad ayeey iigu adkeed inaan sameeyo jir ahaan lakiin waxay aheed mid raaxo leh”.

-Dareenkaagu siduu ahaa markii aad dib ugu soo laabatay Arsenal kadib koobkii adduunka?.. Wenger "Ma awoodin inaan sugo, wuxuu ahaa dareen cajiib ah, mar walbo waan u soo xiisaa shaqada marka aan ka fogaado”.

-Waa maxay waxa ugu horeeya ee aad samayso marka aad soo gaarto xarunta tababarka?.. Wenger "Waxa ugu horeeya ee aan sameyo waa inaan aqriyo Message-yada la igu soo diro Telephone-ka”.

-Waa kee Flim-ka ugu fiican ee aad ka hesho?.. Wenger "ma haayo waqti badan, Flimkayga ugu fiican waa ciyaartii u danbaysay ee aan ka daawo TV-ga”.

-Hadii ay kuu suuro gasho inaad dib u ciyaarto kubadda cagta booskee ayaad jeceshahay inaad ka ciyaarto?.. Wenger "Waxaan ahaa laacib ka ciyaara qadka dhexe, waxaan jeclahay inaan ka ciyaaro booskay gii hore”.

-Xayawaanada keebaad ugu jeceshahay?.. Wenger "Waan jeclahay xayawaanada, waxaa ii jooga guriga 2 eey, waxaan jeclahay eeyahay iyo fardaha, gaar ahaan fardaha ayaan sii jeclahay”.

-Waa kee Kulan kii kugu fiicnaa intaad tababre aheed?.. Wenger "Kulankii aan Barcelona 2-1 ku garaacnay 2011 ee Emirates Stadium”.



Markasta Iyo Wakhti Kasta Kale Saco Wararki Udanbayay Iyo Ciyaraha  Aduunka Ka dhaca kala soco afkashacabka.com