Fadlan Iga Raali Ahow:- Qalinkii Mohamed Faarax Bille (Shiine),

0
Monday October 02, 2017 - 18:00:28 in by Burco Office
  • Visits: 1195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadlan Iga Raali Ahow:- Qalinkii Mohamed Faarax Bille (Shiine),

    Qoraalkaygan aan idin soo gudbin doono waxaan isku dul-taagi doona sannadkan la joogo aaminadda laga qabo weriyaha ama suxufiga (Report) hadba sida ay u yaqaaniin dadka kala duwan ee ku dhaqan guud ahaan caalamka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalkaygan aan idin soo gudbin doono waxaan isku dul-taagi doona sannadkan la joogo aaminadda laga qabo weriyaha ama suxufiga (Report) hadba sida ay u yaqaaniin dadka kala duwan ee ku dhaqan guud ahaan caalamka

Qoraalkaygu hadii uu ku dhibo akhriste waxaan ka si afeef dhiganayaa inay fikirkayga tahay isla markaana waxaan soo bandhigi doonaa waxyaabo dhab ah oo jira balse sideedaba saxaafadda marka laga hadlayo gaar ahaana dhinaca dagaalka marka warka laga soo gudbinaayo waxa la dhaha weriyaha labo ayaa lagu dilaa runta oo uu sheego iyo beenta oo uu sheego markaa waa labo daran mid dooro dhankii aad qabataba kuu daran,

Aan bilaabo qoraalkayga weriyaha waxa lagu tilmaama inuu yahay qof aragti dheer leh isla markaana meel fog wax ka arki kara wuxuuna qancin karaa malaayin bulsho ah oo ku nool caalamka ama dunida maanta wuxuuna leeyahay hal-abuurnimo u gaar ah oo ILAHAY hibo u siiyay isla markaana looga baahan yahay inuu sida fiican uga faa’idaysto

Somaliland waa waddan yar oo curdin ah muddo 27 sanno ah oo ay baadi goob ugu jirtay sidii aqoonsi buuxa uga heli lahayd beesha caalamka waxa ka soo baxaayay weriyayaal tiro badan oo ka hawl gala tvyadda dawladda kuwa madaxa banaan iyo haayadaha warbaahineed ee dibadda laga leeyahay aan kala saaro warbaahinta dawladda waa mid xukuumadda Somaliland maamusho isla markaana afka dawlada ku hadasha iwaxaanay Leedahay weriyayaal cayiman oo amarkooda ku shaqeeya kana hawl gala waxaana ay soo bandhigaan amaan iyo waxyaabo lagu raali-gelinaayo xukuumadda marka taladda haysa

Warbaahinta Madax-banaan ayaa labo u kala baxda waxaana ay kala yihiin tvyadda Somaliland ka shaqeeya ee ka madax banaan dawladda isla markaana ay leeyihiin ganacsato gaar ah kuwaasi oo ay u shaqeeyaan suxufiyiin bartay xirfada saxaafada kuwaasi oo isku daya inay soo tebiyaan arimaha ka dhacaya dalka gudihisa isla markaana bulshadda u soo bandhigo dhaliilaha xukuumadda ee waxyaabaha ay ka tagtay waxaana weriyayaashaasi yihiin kuwo bartay xirfada saxaafada balse weli ma madax banana oo mulkilaha goobta ganacsi wixi uu diido ee weriyuhu soo diyaariyo waa mid halkaasi lagu daynaayo tiro ba dhawr tv ayaa ogolaadda inay si dhab ah oo xaqiiqadda ku salaysan bulshadda wax ugu gudbiyaan in kasta oo ay ku lamaan tahay danahooda gaarka ah

Hadaba akhriste weli uma dhaadhicin dulucdii aan u socday waxaan filayaa intaa aan ka soo sheekeeyay waad ila fahantay waxaan hadaba rabaa inan ku sharaxo weriyaha dhabta ah waxa looga baahan yahay,

Saxafiga ama weriyaha (Ropert) Waa hagaha umadda ama isu af gartaha dadka aan is aqoon waana u hadlaha dadka dulman wuxuuna ka shaqeeya danta umadda umana xagliyo dhinac khaliya mana aha ruux lacag iyo magac ku doona sharaftiisa wuxuuna soo bandhigaa xaqiiqooyin halis ah oo sida lagu gudbinayaa adag tahay hadaba weriyayaasha Somaliland jooga ayaa noqday Sadex-Qaybood,

Qabyta Kowaad:- Waa weriyayaal waaweyn oo ka soo gudbay mar-xaladdo adag isla markaana soo shaqaynaayay muddo dheer maantana magac iyo maamus ku dhex leh bulshadda garanayana aqoonta saxaafada balse cid ay wax uga faa’ideeyaan aanay jirin waxaana marka aad la sheekaysato ku sheegayaan in maanta saxaafadu heerka ay marayso yahay mid halkii ugu hoosaysay maraya taasina waa mid ay iyagu indhahooda ku arkaan iskumana dayaan inay dhalinta soo ka caysa soo gacan qabtaan ee waa daawadayaal runta garanaya isla markaana aan la garanayn sababta ay wax muuqda uga qaban waayeen saxaafadda dalka oo muddo dheer u soo joogeen

Qaybta Labaad:- Waa weriyayaal bartay xirfada saxaafadda isla markaana dhibaato badan ka soo maray sidii ay caan u noqon lahaayeen ama mar uun uga dhabayn lahaayeen hankooda isla markaana gal galasho iyo caqabado badan ka dib gaadhay ifafaalo u muuqda yoolkii ay lahaayeen waxaana si qato dheer uga xog waramayaan arimihi ay soo mareen iyaga oo talo ay siiyaan dhalinta soo kacaysa mooyaane wax ay isku dayaan inay bedelaan jirin waxaana inta badan dhalinta la sheekaysata u sheegaan in saxaafada caqabadaheedu dhib badan yihiin isla markaana ay u baahan tahay hal-dayg iyo samir aad u badan taasina waxa ay sabab u noqotay in weli aan saxaafadda fahankeedu uu noqda mid qof walba inta uu la soo dhibtoodo marka uu guul ka soo gaadho naftiisana caqabadaha hadheeyayna ka soo baxo uu ku kalifayo inuu qofka waddadiisi soo marayaa aanu si dhib yar ku soo boodin halka uu taagan yahay waxaana uu u dirayaa mar xaladii uu soo maray ee adkayd

Qaybta Sadexaad:- Waa weriyayaal da yar oo iminka uun saaxadda saxaafadda ku soo biiray isla markaana iminka uun qalin-jebiyay waxa laga dhaadhiciyay in saxaafadda lagga helo lacag badan waxaana ay meel walba u gelayaan sidii ay lacag u heli lahaayeen waxaana mid kasta uu la ordayaa logo ama astaanta goobta uu ka shaqeeyo ujeeddadiisu waa in uu helo masuul uu kaga hadliyo isla markaana waxoogay shaah ah u dhiibo ka dibna uu ku fano inuu maanta la kulmay masuul hebel taasi waxa ay sababtay in masuuliyiintii Somaliland saxaafadda ku tilmaanto mid waxa ay doonto iska qorta waxaana sabab looga dhigay magac dilka saxaafadda xubno tiro badan oo dhalinta maanta kacday ah xirfad badan aan u lahayn aqoonta saxaafadda balse iyagu u ordaaya sidaad caan ku noqotaa lacag badana ku heshaa umaduna kugu soo istaagta balse jahada ay marayaan tahay mid khaldan waxaana dhalintaasi tahay kuwo waddada iyaga u jeexan uun maraya isla markaana ma jirto cid hagta waxaana xubno ka mida dadka aqoonta u saaxiibka ah marka ay la taliyaan ay noqdaan kuwo kaga fal celiyan ma shaqadayda ayaad caqabad ku tahay aan ka shaqaystee saaxiib iga daa waxan aad dhurayso umadduba waa kuwa wadda shaqaysanayee oo hebelba waa ka subax walba hebel caaye ee inta uu u yeedhay lacagta soo siiyaye

Fadlan Iga raali ahow hadii qoraalkaygani ku dhibo waxaan hoos ugu dhaadhacayaa weriyayaal aan aqoonta saxaada lahayn balse inta badan ku maxaafsada magaca sharafta iyo karaamadda huwan ee weriye-nimadda,

Waa dhalinyaro ka mida saxaafadda waxa ay u shaqeeyaan asxaabta qaranka oo ay ku kala jiraan ma arkaysid meel ay ka hawl galaan oo tv-ah balse waxa ay u shaqeeyaan sadexda xisbi ee Somaliland ka jira waxaana ay soo gudbiyaan muuqaaladda iyo sawiradda asxaabta ay ku kala jiraan qabsanayaan iyaga oo isugu faanayaa hadhow muuqaaladda iyo sawiradda ay qaadeen waxaana mushahar ay ka qaatan xisbiyada ay ku jiraan hadhow marka aad waydiiso waxa uu yahayna wuxu kuu sheegaya inuu yahay weriye daacad ah wuxuu u shaqaynayaana waa xisbi uu mabdi’isi umadda ka dhaadhicinaayo iyo asxaabtiisa ka ag dhow waana is qabsanaysan hadii aad wax ka sheegto xisbiga uu u shaqeeyo wuxuuna hilmaansan yahay in weriyuhu yahay midka u dhexda ah asxaabta bushadda iyo umadaha kale ee uu wax u soo gudbinaayo

Somaliland weriyayaasha jooga ayaa inta badan noqday kuwo kala raacsan xisbiyada dalka ha noqoto kuwa iminka soo kacaya kuwa dhexe iyo kuwii hore ba waxaana meesha ku soo hadhay xubno tiro yar oo ka noqday dhex dhexaad asxaabta siyaasadda kuwaasina caqabada ugu adag ee ay la kulmaan ayaa ah in laga badan yahay isla markaana caqabadaha iyo mushkiladaha ay umaddooda ugu shaqaynayaan tahay mid adag balse dhexda oo ay u xidheen waa kuwa loo daba fadhiisan doono sidii ay wax u bedeli lahaayeen isla markaana dhalinta soo socota u badbaadin lahaayeen mustaqbalkooda,

Waxaan ku soo xidhayaa qoraalkaygan saxaafaddu waa maado ka mida maadooyinka ugu adag dunida waana mid ka mida casharada la barto kuwa ugu culus isla markaana toosinta umad iyo dumista umad kale uu sabab u noqon karo qoraal ama war aad diyaarisay waxaana lagu qiimeeya saxaafaddu inay la mid tahay dhakhtarka mararka qaarna xeel dheerayaasha dhanka saxaafadu waxa ay sheegaan inay ka culus tahay iyaga oo daliil ka dhigta in dhakhtarku uu badbaadin kari naf balse weriyuhu uu bad baadin karo nolosha malaayiin dad ah isla markaana uu galaafan karo nolosha malaayiin dad ah oo warbixin uu diyaariya aya sababi karto inay u madhaan dadkaasi waxaana taasi ku tusinaysa inta badan weriyayaasha da yare e Somaliland jooga inanay fahansanaynba saamaynta warbaahintu leedahay balse wararkooduba waxa ay ku soo urureen in asxaabta siyaasada warar laga qabto ama in qoraalo amaan iyo cay ah ay ka qoraan xubnaha magaca iyo maamuuska ku leh dalka,

Qodabo Talo Iga Ah:-

1) Weriyuhu inaanu ku dhex-milmin saaxadda siyaasadda iyo u ololaynta asxaabta qaranka ee dalka hogaankiisa u tartamaysa

2) Weriyaha dhabta ah waa midka yaqaana xeerka saxaafadda waxa xaq loogu leeyahay iyo wixi tacadi ku ah isla markaana waxa weriye kasta qasab ku ah inuu barto xeerka saxaafadda Somaliland 27/2004 akhriyona mawduucyada ku guda jirra

3) Weriyuhu waa inuu ilaaliya shuruucda dalka uu joogo isla markaana waa inaanu iska qorin warar been abuur ah oo uu lacag ku doonaayo waana inuu ka fekeraa mustaqbalkiisa soo socda waxaa laga yaaba warbixinta aad diyaariso inaanay maanta saamayn kugu keenin balse 2040 aad isla yaabto waxyaabihi aad samayn jirtay hadii alleba ku gaadhsiiyo

4) Weriyaha aaminsan in lacag laga helo saxaafadda magac ka hor waa lunsan yahay isla markaana wuxuu u baahan yahay inuu wax badan soo akhriyo caluumta saxaafada waxaana tusaale u ah odhaah aan ka soo qadaanayo qoraaga weyn ee maxamed baashe xaaji xasan oo yidhi "Weriyuhu wuxu doonaya Magac Macaash Ka Horeeyo”

5) Kordhinta aqoonta Saxaafadda oo Somaliland ah midka aadka ugu yar isla markaana qof kasta uu daliil kaga dhiganayo hebelba sidii uu hebel cameradda ugu siday buu weriye noqday ee maxaa anaga noo diidaya taasina waa caqabad taagan balse xaqiiqadu waxay tahay inaan tusaale noqon Karin barashadda saxaafadu iyo in qof lagu daydo balse tahay barasho iyo cilmi dheer

6) Ku Fara Adayg Ilaalinta Sharaftaada Iyo Inaad Magac Iyo Sumcad Ku Yeelatid Dalkaaga Dadkaaga Iyo Diintadaba Hadii Aad xaqiiqadda gudbisid weeye isla markaana umaddada si daacada ugu shaqasid oo aan xigto iyo xigaal-toona lahayn

7) Ugu danbayn hamigaaga dhaafi Somaliland hadii aad tahay weriye waxaad tahay muraayad dadka oo dhami iska dhex dawaadaan waxaana ka codsan lahaa in dadka dunida oo dhan ku dawaadan isla markaana aad noqoto qofka ugu daawashadda badan dunida xaqiiqadana gudbiye oo lagu soo hirto qof kastana si xaqiiq ah isaga dhex arko,

Qoraa Mohammed Faarax Bille (Maxamed Shiine)

maxamedbile2@gmail.com

Somaliland Hargaysa