Turkiga Iyo Maraykanka Oo Joojiyay Inta Badan Dal Ku Galkii Ay Isa Siin Jireen

0
Tuesday October 10, 2017 - 08:19:13 in by Burco Office
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga Iyo Maraykanka Oo Joojiyay Inta Badan Dal Ku Galkii Ay Isa Siin Jireen

    Turkiga Iyo Maraykanka Oo Joojiyay Inta Badan Dal Ku Galkii Ay Isa Siin Jireen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga Iyo Maraykanka Oo Joojiyay Inta Badan Dal Ku Galkii Ay Isa Siin Jireen

Dawkadda Turkiga iyo Maraykanka ayuu soo kala dhexgalay muran qunsiliyad ka billawday, waxayna labadooduba joojiyeen inta badan dal ku galkii ay muwaadiniinta kale siin jireen.


Safaaradda Turkiga ee Washington ayaa sheegtay in ay u baahan tahay in ay dib u qiimaynayso, sida ay dawladda Maraykanka uga go’antahay ammaanka shaqaalahaha iyo hawlahooda.

War midkaas aad ugu dhaw ayay mar hore soo saartay safaaradda Maraykanka ee Ankara.

Arrintan ayaa timid iyadoo la qabtay qof ka shaqaynayay qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbul, isaga oo lagu tuhunsan yahay in uu calaaqaad la lahaa wadaadkii lagu eedeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacat sannadkii hore.

Turkiga ayaa afgambigii dhicisoobay ku eedeeyay Fethullah GulenLahaanshaha sawirkaREUTERSImage captionTurkiga ayaa afgambigii dhicisoobay ku eedeeyay Fethullah Gulen

Maraykanka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn ayna dhaawacayso xiriirkii laba geesoodka ahaa.

Shaqaalaha qunsuliyadda ee la xiray ayaa ahaa muwaadin Turkiga u dhashay, sida ay ku warrantay Anadolu.