Ciidamada Amniga MuqdiSho Oo Howlgal Ku SOo Qabtay Maandooriye Iyo Raggii Ka Ganacsanayey+Sawiro

0
Friday October 13, 2017 - 14:16:00 in by salman abdi
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Amniga MuqdiSho Oo Howlgal Ku SOo Qabtay Maandooriye Iyo Raggii Ka Ganacsanayey+Sawiro

    Ciidamada Ammaanka ee maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa howlgallo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmadaas waxay ku soo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii ku howlanaa sameyntiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ammaanka ee maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa howlgallo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmadaas waxay ku soo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii ku howlanaa sameyntiisa. Waxyaabaha la soo qabtay waxaa mid ah xashiishad iyo fuustooyin lagu karinayay qamriga macmalka ah ee loo yaqaan calaqda iyo qaar kale oo lagu keydin jiray.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/llaahi ayaa sheegay in howlgalkaas lagu soo qabtay 6 fuusto oo waaweyn iyo shan nin oo la sheegay inay sameynayeen Waxyaabaha maanka dooriya iyo gaarigii lagu qaadi jiray waxyaabahaa.

Waxaa uu intaas ku daray in raggan ku howlanaa sameynta waxyaabaha maanka dooriya ay soo taagi doonaan Maxkamad, isagoo ciidamada amaanka ku amaanay howsha ay qabteen, wuxuuna ku booriyey iney halkooda ka sii wadaan dedaalkooda.