Dalalka Dunida Oo Isha Ku Haya Doorashada Somaliland Iyo Murashax Guulaysta Oo Ay Garab Istaagi Doonaan Qorshayaashiisa

0
Sunday October 22, 2017 - 12:27:04 in by Burco Office
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka Dunida Oo Isha Ku Haya Doorashada Somaliland Iyo Murashax Guulaysta Oo Ay Garab Istaagi Doonaan Qorshayaashiisa

    Dalalka Dunida Oo Isha Ku Haya Doorashada Somaliland Iyo Murashax Guulaysta Oo Ay Garab Istaagi Doonaan Qorshayaashiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalalka Dunida Oo Isha Ku Haya Doorashada Somaliland Iyo Murashax Guulaysta Oo Ay Garab Istaagi Doonaan Qorshayaashiisa

Dalalka caalamka ee xidhiidhada kala duwan la leh Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si weyn isha ugu haya doorashada madaxtooyada Somaliland ee qabsoomaysa November 13.


Dalalka reer galbeedka ayaa xidhiidho ay la soo sameeyeen murashixiintani, waxay balan qaadeen in haddii doorashada madaxtooyadu ku dhammaato jawi nabadgeliyo oo xor iyo xalaal ah in ay korDalalkan oo isugu jira kuwo reer galbeed ah oo taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo kuwo Afrikaan ah oo xidhiidho la leh Somaliland, ayaa waxay doorashadan u soo diri doonaan ergo caalami ah oo kormeerta, iyadoo ay madaxdooduna dusha kala soconayaan doorashada iyo qaabka ay u qabsoomi doonto.






u qaadi doonto sumcadda Somaliland, soona jiidi doonto maalgashi shisheeye iyo weliba inay dalalkani kor u qaadi doonaan dhaqaalaha ay siiyaan Somaliland, waxaanay murashixiinta ugu baaqeen inay ilaaliyaan nabadgelyada guud ee Somaliland.

 

Dalalka Afrikaan ah ayaa iyaguna balan qaaday inay kor u qaadi doonaan xidhiidhkooda Somaliland, marka la doorto madaxweyne cusub islamarkaana waxay dalalka Afrikaanka ahi u tartamayaan inay noqdaan kuwa u horeeya ee martiqaadyo rasmi ah u soo dira madaxweynaha cusub ee Somaliland dooran doonto.

Si kastaba ha ahaate, dalalkan ayaa aaminsan aragti midaysan oo ah in Somaliland marka ay yeelato madaxweyne cusub ay ka bixi doonto xaalad kakan oo ay ku jirtay toddobadii sannadood ee u dambeeyay taas oo saamayn ku yeelatay xidhiidhada dibadda ee Somaliland.

 

 

 

 

Source:-Wargeyska Geeska Afrika