Axmed Madoobe oo soo jeediyay tallaabo Militari in looga jawaabo Qaraxii Isgoyska Zoobe

0
Tuesday October 24, 2017 - 11:18:07 in by salman abdi
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo soo jeediyay tallaabo Militari in looga jawaabo Qaraxii Isgoyska Zoobe

    Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku baaqay in gacan Militari looga jawaabo qaraxii masiibada ahaa ee 14-kii Bishan ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku baaqay in gacan Militari looga jawaabo qaraxii masiibada ahaa ee 14-kii Bishan ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe.


Axmed Madoobe ayaa sheegay Shabaab in loo baahan yahay in la iska dhiciyo, haddii aysan taasi dhicina maalin waliba ay dhaceyso in shacabka Somaliyed la laayo madaxdana ay tacsiyadeeyaan.

Madaxda Somalida ayaa wuxuu sheegay Axmed Madoobe inay u furan tahay hal wado oo ku aadan u midoobida dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

"Maalin walba ma dhaafi doono in aan maydka u tacsiyayno dhaawacana aan dawaysano oo aan xaaqno halkii shacabkeena lagu dhameeyay hadaynaan Argagixisada dagaal dhab ah ku qaadin.” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dowladda Somaliya ayaa wada dhaqdhaqaaq ku aadan guluf Militari oo lagu qaado Ururka Al Shabaab ee Somaliya ka dagaalama.