Twitter-ka oo nidaam cusub kusoo rogay xayeysiimaha bartiisa lasoo dhigo

0
Wednesday October 25, 2017 - 10:49:04 in by salman abdi
  • Visits: 526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Twitter-ka oo nidaam cusub kusoo rogay xayeysiimaha bartiisa lasoo dhigo

    Shirkadda Twitter-ka ayaa ku dhawaaqday nidaamyo cusub oo loogu talagalay in lagu caddeeyo cidda kharash ku bixisa xayeysiinta la soo dhigo baraheeda, gaar ahaan xayeysiimaha la xiriira ololaha siyaasadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Twitter-ka ayaa ku dhawaaqday nidaamyo cusub oo loogu talagalay in lagu caddeeyo cidda kharash ku bixisa xayeysiinta la soo dhigo baraheeda, gaar ahaan xayeysiimaha la xiriira ololaha siyaasadda.


Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dhaleecayn xooggan loogu soo jeediyay shirkadda Twitter-ka iyo shabakadaha kale ee baraha bulshada sida Facebook, inay barahooda u ogolaadeen xayeysiimo xadgudub ah si saameyn loogu yeesho codbixiyayaashii doorashadii Madaxtinimada Mareykanka ee sanadkii tegay.

Shirkadda Twitter-ka ayaa ogaatay in ugu yaraan 200 oo koonto oo xiriir la leh Aqalka Kremlin-ka ee looga taliyo waddanka Ruushka, ay ka howlgalayeen shabakaddan ay bulshadu ku wadaxiriirto intii ay socdeen ololihii doorashada madaxtinimda ee waddanka Mareykanka.

Xeelad uu Ruushka adeegsaday ayaa aheyd in lagu iibsado xayeysiin lagu bartilmaameedsan karo qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha shirkadda, hasayeeshee taasi waxa ay aheyd mid ka qarsoon dadka kale.

Haatan shirkadda Twitter waxa ay sheegaysa in Xarunteeda cusub ee Faafreebka Xayeysiinta ay muujin doonto macluumaad ku saabsan cidda bixinaysa kharashka xayeysiinta, cidda lagu baltimaameedsanayo iyo weliba fariinta ay xayeysiintan xambaarsan tahay.

Hadalkan ay soo saartay shirkadda Twitter-ka ayaa imanaya ka hor dhegaysiga arrintan ee todobaadka soo socdo uu yeelanayo Aqalka Senate-ka Mareykanka, iyadoo shirkadaha ku shaqeeya tiknolojiyadda ay ku rajo weyn yihiin inaan la duldhigin shuruuc cusub.